Xildhibaano Baladweyne lagu soo dhaweyey.
Wafdi isugu jiro Xildhibaanno iyo fanaaniin ayaa maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xildhiibada maanta gaaray magaalada B/weyne ayaa waxa ay yihiin kuwo ka soo jeedo gobolka Hiiraan waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa dowladda Jabuuti.
Wafdigan gaaray magaalada B/weyne ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliya fanaaniinta hobolada Qaranka ee Waaberi, waxaana haatan ay ku sugan yihiin xarunta uu magaalada B/weyne uu ka dagan yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana la filayaa in ay kulamo la qaataan maamulka iyo dadka ku dhaqan B/weyne
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13193