|

Sedaxda December oo loo asteeyey Maalinta Xuquuqul in saanka Soomaaliya.

Sedaxda December oo ah maalinkii Hotel Shamow ay Maleeshiyadda Shabaab ku xasuuuqeen wasiirro ka tirsanXukuumadii KMG aheyd, Arday, Dhaqaatiir, Waalidiin, saxafiyiin iyo dad kale ayaa maanta loo aqoonsaday in ay tahay maalinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Munaasabad lagu xusayay maalinta xuquuqul aadanahay aduunka oo ku began 10 december ayna ka qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiiradii ka qeyb galay xuska maalinta xuquuqul aadanaha ayaa waxaa ka mid ahaa R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka wasaaradda hormarinta adeegga bulshada, xidhibaanno iyo marti sharaf kale.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan oo hadal ka jeedisay munaasabada ayaa sheegay in Seddaxda December loo aqoonsaday maalinta xuquuqul aadanaha Soomaaliya maadaama maalintaasi ay qarax ku geeriyoodeen dad wax gal ah.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo  ka hadlay goobta ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladda Soomaaliya ay ilaalineyso xuquuqda muwaadinka Soomaaliga ah laguna xad gudbikarin.

Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadashay wasiirka wasaaradda hormarinta adeegga bulshada Maryan Qaasim waxa ayna tibaaxday in diinta Islaamka ay ilaalisay xuquuqda aadanahay laguna xad gudbikarin.

xigasho: RM

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13319

Posted by on Dec 10 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan