Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

G/caanood Waxaan is ku diyaarineynaa Wajigii labaad ee Dagaalka Al-shabaab aan ku la jirno.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ku siqi doonaan goobo hor leh,  iyagoo dhinaca kalena tilmaamay inay ciidamo xoog leh oo ka hortaga in shabaab ay jidgal sameeyaan dhigeen waddada isku xirta magaaloyinka Jowhar iyo Balcad.

Taliyaha Gaaska Koobaan ee xiidamada XDS Gen. C/llaahi Cali Caanood oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka magaalada Jowhar uu wanaagsanyahay,  kadib markii ciidamadu ay howlgallo ka sameeyeen degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda,  isla markaana ay ciidamo dhigeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

‘’waxaanu isu diyaarineynaa wajiga Labaad ee howlgalka an kula wareegayno deegaannada ka haray gobolka Shabeelaha Dhexe,  goordhowna waxaan xeryndoonaa inta ka harsan gobolka Shabeelaha Dhexe’’ ayuu yiri Gen Caanood.

Dhinaca kale dadka ku nool gobolka shabeelada dhexe ayaa ka codsaday dowlada in ay ka gacan siiso tacbashada Beeraha islamarkaana ay gobolka ka  hirgeliso nidaamkii dowladnimoiyagoo intaa ku daray in malleeshiyaadka Shabaab ay muddo dheer ka hortaagnaayeen tacbashada beerahooda.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13343

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented