ibrahim
|

Rag ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu so dhigay Gudaha Degmada Jowhar.

Howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ayaa xalay waxa ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar oo la haday qaar ka mid ah Saxaafadda ayaa sheegay in howlgal dad badan lagu soo qabqabtay laga sameeyay Magaalada Jowhar kaasi oo ka mid ah talaabooyinka lagu xaqiijinayo Ammaanka guud ee Magaaladaasi.

Max’ed Amiin Caaqil ayaa tilmaamay in dadka la soo qabqabtay looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab islamarkaana baaritaano lagu hayo cidii ay ku cadaatana lamarsiin doono waajibkeeda.

Guddoomiyaha Jowhar ayaa xusay in howlgaladan ay siwada jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxaana uu intaasi ku daray in looga goleeyay xaqiijinta Amaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dhanka kale Guddoomiye Max’ed Amiin Caaqil ayaa sheegay in Al Shababa aysan awood u laheyn in ay weerar ku soo qaadaan Magaalada Johar, madaama maamulka magaalada iyo Ciidamad dowladda ay ka baaraan dageen talabaaba kasta oo waxyeeleyn karta xasiloonida Magaalada.

Shalay ayaa waxaa booqday Magaalada Jowhar Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya kaasi oo sheegay in halkaasi lageeyay Ciidamo ka socdo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13348

Posted by on Dec 11 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan