|

Abwaan Hadraawi Oo Boqalaal Dad ah kula Hadlay Nairobi(SAWIRO)

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim(warsame) Hadraawi ayaa boqalaal ruux kula hadlay xaflad loogu magac daray  kwani Litsfest ,oo ka dhacday  Magaaalada Nairobi.

Abwaan hadraawi  ayaa ugu horeyn u mahad celiyay , kwani iyo dhalinta waayaha cusub ee surta galiyay  qabsoomida barnaamiskaasi, loogu magac daray kwani Litsfest  ee maalinti sadaxaad ka socanayay xaafada islii ee Magaalada Nairobi.

Abwaan Maxamed Ibraahim warsame (hadraawi ayaa suugaan fara badan oo uu xaflada ku soo bandhigay ka dib, su,aalo badan oo la waydiiyay dadka ugu jawaabay.

sidoo kale waxaa xaflada intii aay socatay ka soo qeeb galay Dr- C/Casiis Muuse  Maaxaay   G/ku xigeenka ganacstada Xaafada  Islii Xuseen Maxamed Aar  , iyo Abwaanad Dhoofo Qaliif Siyaad.

Dhanka kale waxaa la soo af meeray buug duco ah oo dadki ka qeeb qadanayay Xaflada kwani Litsfest aay u gudbinayeen Xildhibaanka laga soo doorto Kaamankuji Yuusuf Xasan Cabdi oo dhawaan dhaawac ka soo gaaray  qarax lagula eegtay Masjidka alhidaaya ee Magaalada Nairobi.

munasabadahaasi loogu magac daray kwani Litsfest ,ee ka socanayo Magaalada Nairobi  ayaa lagu wadaa in Maaalinta jimcada ah lagu soo gaba gabeeyo Hoolka Poeri Palace ee Xaafada Islii .

Nuur Ismail  Sheikh

E-mail  nuur.usa@hotmail.com

Nairobi Kenya

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13436

Posted by on Dec 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan