Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

kenya oo dad badan u qab qabatay qaraxyadii Islii.

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in Lix boqol  oo qof loo qabtay Weeraradii Bambaano ee ka dhacay Nairobi.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa gudoomiyaha gobolka Nairobi waxa uu sheegay in Labadii weerar ee ugu dambeeyay ee ka dhacay Nairobi loo qabtay ilaa Lix Boqol oo qof,  kuwaas oo qaarkood loo heysto in ay ka dambeeyeen Qaraxyadaasi,  halka kuwa kalena ay  yihiin dad heyta kaararka Qaxootiga oo dib loogu celindoono xeryaha Qaxootiga.

Gudoomiyaha gobolka Nairobi ee dalka Kenya ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay magaalada Nairobi,  si ay wax uga qabtaan amaandarida iyo qaraxyada ka dhacaya xaafado ka mid ah Nairobi.

Dhinaca kale ciidamada Kenya ayaa qabtay Lix qofood oo watay Bambaanooyin iyo walxa qarxa kuwaas oo sida la sheegay doonayay in ay geliyaan gudaha dalka Kenya, waxeyna ciidamadu tilmaameen in ay wateen gaari yar hadana la geeyay xeryooyinka Qaxootiga Dhadhaab halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13395

Posted by on Dec 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented