Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Kenya oo qabatay Walxaha Qarxa iyo kooxihii watay.

Gaari ay saarnaayeen kooxo hubeysan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa shalay galab lagu qabtay xadka ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada Gaarisa Maxamed Macalin oo saxaafada la hadlay.

Waxaa uu intaa ku daray gudoomiyuhu in gaarigan ay la socdeen ilaa 10 qof oo afar ka mid ah uu sheegay iney gaariga ka boodeen ka dibna baxsadeen xiligii gacanta lagu dhigayey hase ahaatee la hayo lixdii kale iyo hubkii ay wateen.

“Gaariga waxaanu ka helnay bambooyin, rasaas, bastoolado iyo waxyaabo kale oo la doonayey in falal iskugu jira dilal iyo qaraxyo looga geysto gudaha dalka Kenya, waxaana lixda qof ee aanu qabanay ku jira labo dumar ah” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha magaalada Gaarisa Maxamed Macalin.

Waxaa uu sheegay oo kale in lixdaas qof hubkii ay wateen iyo gaarigii ay ka socdeen ay ku wareejiyeen ciidamada nabd sugida Kenya si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo loona weydiiyo su’aalo ku saabsan halka ay keeneen hubka, meesha loo waday iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo howlahan la waday.

Dhinaca kale Qabashada dadkan watay bambooyinka iyo bastooladaha ayaa ku soo aadeysa xili magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya sida Gaarisa, Mandhera, Nairobi iyo Mombasa ay ku soo badanayeen mudooyinkan qaraxyo dad badan laagu

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13431

Posted by on Dec 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented