Howlgal ay sameeyeen ciidamada Badda Puntland oo aykusoo dileen 3nin oo Burcadbadeeda 3kalana kusoo qabteen.
Howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Badda Dawladda Puntland halka lagu magacaabo Gaarcad oo koox burcadbadeeda ay ku haystaan Shaqaale saarnaa markab kasoo caariyay xeebaha gobolka Mudug oo lagu haystay mudo 2sano kusiman ciidanku waxay kusoo qabteen 3kamida kooxda Burcadbadeedaa waxana ay kudileen 3kamida isla Burcadaas.
Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Cabdirizaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in dhankooda ay ka dhaawacmeen 3 kamida ciidanka Badda Puntland mudadii uu howlgalkaa socday ayna wali ku hareeraysan yihiin halka burburka Markabku yaalo laguna haysto shaqaalaha markabka saran ayaa kor u dhaafaya 30 qof sida uu sheegay Cabdirizaq Diiriye Faarax.
Cabdirizaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in dhawaan ay Burcadbadeeda gacanta kusoo dhigeen horkeeni doonaan cadaalada lana xukumi doono ayadoo ay gacan adag ku hayaan haatan ciidama Badda Puntland
Maalinkii talaada ayey aheyd markii ey soo weerareen kooxo burcada ciidanka badan puntland oo ku hareereysan markab mudo 2 sano ey gacanta ku hayeen burcad badeeda somalida kaasi oo ey ka dhasheen qasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13503
