ibrahim
|

Askar ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo Xabsiga loo taxaabay (Sababta Maxay tahay )

Saraakiisha Dowladda ayaa waxay amreyn in la soo xiro oo xabsiga la dhigo ilaa 26 ka mid ah Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya, markii ay geysteen falal anshaxa ka baxsan.

Afhayeenka Ciidamada Xooga Dalka ahna Taliyaha hawl gelinta Ciidamada Militariga ee Qaranka General Cali Cosoble Caraaye “Gacma Duule”, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigeen ilaa 26 askari.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadaan ay falal anshaxa ka baxsan ka geysteen Magaalada Jowhar, taasina ay ku riixday inay amraan in xabsiga la dhigo.

General Gacma Duule ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Ciidamadaan ay u gudbinayaan Taliska Militariga ee Magaalada Muqdisho, si buu yiri loogu wareejiyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka.

General Gacma Duule ayaa tibaaxay in gacan bir leh ay ku wajihi doonaan dhamaan Ciidamada Dowladda ee dhaca iyo dhibaatada u geysanaaya shacabka Somaliyeed.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13469

Posted by on Dec 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan