Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Dagaalo xoogan oo hubka cul culus leesku adeegsaday ayaa waxay ka dhaceen duleedka Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen Deegaanka Goobweyn oo 15km u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dagaaladu ay yimaadeen markii wadada loo galay gawaarida dagaalada oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Dowladda oo maraayay Deegaanka Goobweyn ayaa waxaa weeraro saf ballaaran leh ku soo qaaday Xoogaga Shabaab, waxayna halkaasi ku dagaalamayeen muddo dhan 1 saac oo buura ah.

Hubkii ay labada dhinac isu adeegsanayeen oo si weyn looga maqlaayay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa loo maleynaayay in duqeymo lala dhacay aafafka hore ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Dowladda ayaa si weyn isaga caabiyay Xoogagii Shabaab ee wadada u galay, waxayna dagaaladu geysteen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aysan kala cadeyn
khasaaraha dhabta ah ee dagaalada ka shashay.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaaladaan, ha yeeshee waxay qireyn inay dagaaladu jiraan.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13473

Posted by on Dec 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented