Dgaal dadbadan ay ku nafwaayeen oo Ethiopia iyo Al-shabaab ku dhexmaray G/Bay.
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa dagaal culus oo dhex maray ciidamada militariga itoobiya iyo kuwa Al Shabab kaasi oo ka dhacay gobolka Bay dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxaysay Degamada Bardaale iyo Yurkud xili ay ciidamada Itoobiya ku sii jeedeen degamada luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalkaan ayaa ahaa mid aad u culus oo labada dhinac ay isku waydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ,wararka ayaa waxa ay sheegayaan inta uusan bilaaban dagaalku ka hor in baabuur ay lahaayeen ciidamada Itoobiya ee loo yaqaano Uuraalka ay miino la kacday ka dibna dagaal uu halkaasi ka qarxay .
Dagaalkaan ayaa sababay dhimashada inta la hubo 15 qof oo dhinacyadii ku dagaalamay ah halka tiro intaasi ka badana la sheegay inay ku dhawacmeen inkasta oo la sheegay inay baneeyeen goobta lagu dagaalamay ciidamada Alshabab oo weerarka soo qaaday ,halkaasina ay sida lagu yaqaanay ciidamada itoobiya ka samaysteen fariisimo.
Alshababa ayaa bilaabay ilaa intii lagala wareegay gacan ku haynta deegaano badan oo ay ka talin jireen waxa ay bilaabeen dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo mid fool ka fool ah oo ay la galaan ciidamda Dawlada soomaaliya kuwa Kenya iyo itoobiya kuwaasi oo dagaal adag kula jira Alshabab.
Maahan markii ugu horaysay ee Alshabab iyo ciidamada militariga itoobiya iyo kuwa soomaaliya ku dhex maro dagaal ku gobolka Bay.
Xigasho : kulmiye
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13465