|

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Barlamanka Jabuuti.+Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyo. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Roble.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Somalia kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii.”dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saas waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.
Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Xafiiska Madaxweynaha.

mabdalla@presidency.gov.so
Jamhuuriyadda Soomaaliya
Madaxtooyada
Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta
جمهورية الصومال
الرئاسة
مدير مكتب الرئيس
دائرة الإعلام

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13490

Posted by on Dec 13 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan