|

Ma runbaa Messi in usan jabin record ka gool dhalinta ee calender year? (by liida)- aqri

Ciyaaryahankan lionel Messi ayaa beryahan la hadal haayay in uu jabiyay record uu horay u dhigay Ciyaaryahan Muller oo u dhashay wadanka Germany laakin taa ayaa muran iyo shaki la geliyay ka gadaal Markii FA da Zambia ay sheegtay in messi uu jabin doono Record ka gool dhalinta marka uu dhaliyo 107 Gool.

Hadaba FA Zambia ayaa ku andacooneysa in uu jiro ciyaaryahan u dhashay wadanka Zambia oo lagu Magacaabo Godfrey chitalu oo asaga dhaliyay goolal gaaraya 107 gool.

Hadaba ciyaaryahan Godfrey chitalu ayaa ku dhashay magaalada Luanshya, ciyaaryahankan ayaa sanadii 1965  ku biiray naadiga kitwe united asagoona u dhaliyay 81 gool.

Sanadii 1970 ciyaaryahankan waxuu ku biiray naadiga kabwe warriors waxuuna u dhaliyay 107 gool Sanadii 1972 halsano gudaheeda.

Inkastoo ciyaaryahankan uu ku geeriyaaday shil diyaarad oo kula dhacday bada xili xulka Zambia ay la Ciyaari rabeen isreeb reebka koobka aduunka xulka qaranka Senegal.

Si kastaba ha ahaate Messi ayaa haatan marayo inta gool uu dhliyay sanadan gudaheda 88 gool waxaa Aduunkka oo idil laga hadal haayaa in Messi uu jabiyay Record horay uu u dhigay ciyaaryahan Muller.

Haatan FA Zambia ayaa isu diyaarinayan in ay FiFA horkeenan cadeymaha muujinaya in  ciyaaryahan Godfrey chitalu uu dhaliyay 107 gool Messi na lagaga baahan yahay in uu dhaliyo 107 gool.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan iyo cadeemahan ayaa noqon doonta mid ciyaaryahan messi ay ku noqon Doonto mid dhabar jab ku ah dadaalkii iyo juhdigii uu ku bixiyay in uu noqdo ciyaaryahanka ugu goolasha Badan aduunka.

isku soo wada duub waxaa laga war sugi doonaa cadeymaha ay la yimaadan FA Zambia.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13477

Posted by on Dec 13 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan