Urur siyaasadedka midnimo Oo soo saaray baaq nabadeed
ururka siyaasadeedka Midnimo ayaa soosaray Baaq ku adan khilaafka siyaasadeed ee xiligani kajira Maamulaka Puntland kaasi oo uu dhexeeya Maamulka Uu hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan faroole iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda mudda dheeriga ah ee loogu kordhiyay xukuumada hada jirta
ururka Midnimo ayaa dowlada Puntland ugu baqay inay furto wadahadal ay isugu yimaadaan siyasiyiinta mucaradka ah, waxgaradka puntland, iyo aqoonyahanada Puntland si xal looga gaaro guuxa siyaasadeed ee kusalaysan isfahan waaga mudada jiritaanka xukuumada hadajirta ee hada lagadareemayo puntland
gudoomiyaha Ururka Midnimo DR: Saadiq enow ayaa saxafad kahor akhriyay baaqaan ay soosareen Maannta
Siyaasiyiin badan oo ey ka mid yihiin kuwo xilal miisaan leh ka soo qabtay inta uu jiray maamulak Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay mudo korosiga Faroole taasi oo ku xusan dastuurka puntland oo dhawaan la ansixiyay
Xafiiska/Gaalkacyo
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13524