Wacyigelin loo sameeyey Soomaalida ku jirta Xeradda Qaxootiga Leersum ee dalka Nederland
UTRECHT (Qubanaha) - Cashro wacyi-gelin ahaa oo ku saabsanaa arrimaha caafimaadka, koritaanka jirka iyo maskaxda, isdhex-galka bulshada iyo nidaamka waxbarashada wadankaan, ayaa shalay lagu soo geba gebeeyey xerada deegaanka dadka qaxootiga ee ku taala magaalada Leersum oo ka tirsan gobolka Utrecht ee bartamaha dalka Nederland, halkaasoo ay ku jiraan Soomaali badan oo ku cusub dalkan.
Casharadaan oo socday 3 maalmood ayaa waxaa waday dalada weyn ee ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida Nederland ee FSAN, iyadoo la kaashanaysa hayáda GGD midden-Nederland, waxaana ujeedadiisu aheyd sidii Soomaalida ku cusub dalkan xog buuxda looga siin lahaa dhaqanka iyo nolosha dalka Nederland iyo sida ugu haboon ee ay ula qabsan lahaayeen arrimahaasi.
Soomaalida ka qaybgashay casharadaan waxay isugu jirayn dhalinyaro ka kooban wiilal, gabdho iyo hooyooyin. Barnaamijka waxaa xiriiriye guud ka aheyd Shukri Cabdulqadir oo ah xiriiriyaha barnaamijyadda dhalinyaradda ee ururka FSAN. Casharada waa loo bixiyey sida soo socoto.
Koritaanka ilmaha ilaa qaankaarka
Koritaanka Ilmaha markuu dadiisa yahay bilooyin ilaa 18 jirkiisa gaarahaan dhinaca jirka iyo maskaxda ayaa waxaa ka hadashay Judith van der Ree oo ah haweynee dhinaca wacyigelinta caafimaadka u qaabilsan xerada. Waxay si qoto dheer uga hadashay isbedelka jirka iyo maskaxda ku dhaca taasow qayb weyn ka qaadanaysa degaanka ilmaha ku karo iyo guud ahaan barbaarinta caruurta ee dhinaca waalidka.Waxay intaasi ku dartay in dalka Nederland xaquuq badan la siiyey caruurta, ayna jiraan hayádo badan oo ilaaliya xaquuqdooda, sidaasi darteed Soomaalida hadda ku cusub dalka ay bartaan kuna dadaalaan kobcinta caruurtooda iyagoo waafajinaya sharciyada dhinaca barbaarinta caruurta. Waxaana looga digay inay dayacaan masuuliyada caruurtooda, haddii taasi ay dhacdana ay ka dhalan karto cawaaqib xumo ah in caruurtii ay la wareegto dowlada.
Caafimaadka
Sidoo kale intii uu socday casharadaani, waxaa dadkii ka soo qeyb galay loo sharxay qaab dhismeedka jirka iyo hawlaha kala duwan ee xubnihiisa qabtaan iyo curadda jira. Waxaa kaloo aad looga hadlay arrimaha gudniinka gabdhaha oo haween badan Soomaaliyeed dhibaato caafimaad ku haya.
Sahro Naaleeye oo ka tirsan FSAN, isla markaana u ololaysa arrimaha bulshada gaarahaan xuquuqda haweenka ayaa si qoto dheer u sharaxday dhibaatada uu leeyahay gudniinka lagu sameeyo hablaha Soomaaliyeed.
” Waalidka Soomaaliyeed iyagoo og gaarahaan hooyadda dhibaatada caafimaad iyo mida musqbal ee uu leeyahay gudniinka ayaa haddana nasiib daro lagu samaynayaa gabadhii yareed waayo waa arrin bulshadii inteeda badan weli aaminsantahay iyadoo loo nisbaynayo sababo kala duwan”.Hadda waxaan idiin sheegayaa in dalkan ay mamnuuc tahay in gabadha la gudo, marka iska ogaada arrinta oo aad xarig kala kulmaysaan haddii dowlada ay ogaato in gabadhaad aad geyso Soomaaliya ama meel ka mid ah Afrika,Yu rub oo halkaasi aad ku soo gudo, taasina iska ilaaliya oo yaan la sameyn,” ayey tiri Sahro Naaleeye.
Waxbarashada
Casharkani waxaa bixiyey Shukri Cabduqadir oo ah xiriiriyaha barnaamijka dhalinyaradda ee FSAN kana mid ah gabadha Soomaaliyeed ee Nederland ku soo koray waxna ku barta.
Shukri waxa ay si faahfaasan cashar uga bixisay qaybaha kala duwan ee waxbarashada wadankaan laga soo bilaabo dugsiga hoose ilaa reer jaamacadeed, fursadaha waxbarasho ee jira iyo sida ugu sahlan ee qofka Soomaaliga ee isagoo da’ yar dalkan soo galay uu uga faaíideyn karo isla markaana uu mustaqbalka u gaari karo horumar dhinaca nolosha ah.
Dhinaca waxbarashada dadka waaweyn mar ay ka hadlaysay, ayey Shurki waxa ay ku dheeraatay inay jiraan fursado u banaan qofka isagoo weyn dalkan soo galay ee uu wax ku baran karo sida isagoo dalban kara ama laga caawin karo inuu sameeyo tababaro xirfad uu mustaqbalka ku shaqeysan karo.
Isdhex-galka Bulshada
Mowduuca kale ee la soo bandhigay ayaa waxa uu ahaa arrinta isdhexgalka bulshada iyo sida ugu fiican ee Soomaalida cusub ay ula qabsan lahaayeen dhaqanka iyo nolosha dalkan, gaar ahaan inay isdhex-gal la sameeyaan dadka Dutch-ka ah iyagoo diintoodii iyo dhaqankoodii wata.
Waxaa looga sheekeeyey bilowga marka qofka Soomaaliga uu yimaado dalkan ee uu dalbado qaxootinimada iyo ka dib heerarka uu marayo ee fahanka nolosha dalkan, iyadoo ay muhiimsan tahay inuu xooga saaro barashada iyo ku hadalka luqada Dutch-ka, taasoo qofka u sahlaysa inuu markiiba sameeyo horumar.
Barnaamijkan wacyi-gelinta Soomaalida cusub gaar ahaan dhalinyaradda ayaa ah bilowga casharo ururka FSAN iyo GGD ay ku doonayaan inay gaarsiiyaan xerooyinka qaxootiga ee ay ku yaala dalkan Nederland gaarahaana kuwa ay badanyihiin Soomaalida.
By. M. Abdi Farah
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13481