Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Cristiano Ronaldo oo balan qaaday in uusan dabaal dagi Doonin kulanka Man Utd(by liida)

Laacibkii ka tagay kooxda Man Utd ee haatan u ciyaara Naadiga Real Madrid waa ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa balan qaaday in uusan dabaal dagi doonin Hadii uu gool dhaliyo kulanka Kooxdiisa Real Madrid iyo Man Utd oo uu horay aaga soo tagay.

Ronaldo ayaa kooxda Man Utd kula guuleystay sedax horyaalka premier League iyo hal koobka Champions League.

Ronaldo ayaa haatan diyaar u ah in uu ka horyimaado kooxdiisii iyo macalinkiisa hore Sir Alex Ferguson Inkastoo Ronaldo uu balan qaaday hadii uu dhaliyo gool in uusan dabaal dagi doonin sababtana ee tahay Ayuu yiri Man Utd waa meel aan kusoo barbaaray.

Ronaldo ayaa yiri”Man Utd waxee aheyd Familkeega oo kale waana meesha aan magaca ku yeeshay Hadii Man Utd aysan i gacan qaban laheyn heerka maanta aan taaganahay ma aan gaari laheyn”.

Alex Ferguson oo kaftamaya ayaa yiri”Real waxaan ku balan nay in Ronaldo uusan naga soo hor imaan Karin”.

Sir Alex Ferguson ayaa balan qaaday in Ronaldo loo sameyn doono soo dhaweyn fiican Taageerayaashana ay sacab kusoo dhaweyn doonaan waayo ayuu yiri ilaa haatan Ronaldo aad bey u Jecel yihiiin.

Ronaldo ayaa gool ka dhaliyay kooxdiisa hore ee Sporting Lisbon laba jeer koobka Champions Leageu Ee sanada 2007-8 oo Man Utd ku guuleysatay.

Hadaba waxaa lawada sugayaa Ronaldo gool maka dhalin doonaa darbiga gadaal ee Man Utd Vidic.

Fetah Ali(liida)

Fitaax1me@hotmail.com

 

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=13967

Posted by on Dec 21 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented