Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Taariikhda Shiikha Sidaweyn ay u yaqaaniin Soomaalida Shiilh C/Qadir Al-jeylaani.

Sheeq C/Qaadir al jeylaani waxaa la dhalay sanadka markuu ahaa 470h kuna beegneed 1077m waxaa uu ku dhashay magaalo yar lagu magacaabo niif kuna taalo dalka iiraan waxaa uu kusoo bar baaray nolol agoonimo halka aabihii uu geeriyooday xilli uu sh c/qaadir ahaa dhalaan waxaa soo korisay hooyadii iyo awoowgii c/laahi waxaana uu ahaa nin allah uu waday nolol qaraarkeeda arkay la kulmay dhibaatooyin kla duwan waxaa uu u safray magaalada baqdaad isaga iyo hooyadii waxaa uu ahaa 18jir sanadku markuu ahaa 488h ayuu soo gaaray sh c/qaadir magaalada baqdaad markaasna baqdaad waxaa ay ahayd magaalada ugu wayn caalamka waxaaana uu usoo qasday in uu barto diinta eebe waxaana uu halkaas kala kulmay khilaafyo badan oo ka socday dhinacyo kala duwan sida khilaaf u dhaxeeenayay siyaasadda iyo ku dhanka fiqhiga khilaafyadaasi ayaa sidan la isugu haystay

‘suldaan saljuuqi barkayaariq’ waa ninkii ka talinayay baqdaad markii ay kuu timid geeridi ayaa waxaa isku qabsaday boqorada salaajifada dhexdooda xilka uu ka geeriyooday boqorka aynu kor ku xusnay

Dhinac kale waxaa khilaaf ba’an ka jidhay dhanka fiqhiga xanaabilada iyo xanafiyada oo isku haystay fasiraadda quraanka kariimka oo dhinac ah iyo xanaabilada iyo shaaficiyada oo isku haystay la jahrista basmalada iyo in la siraysto

Macalimiinta uu ka qaatay diinta

Sh c/qaadir al jeylaani waxaa uu ka bartay quraanka kariimka iyo qrooyinkiisa iyo fasiraadiisa sh cali abaa al wafaa ina caqiil al xanbaliiiyo sh abaa al khadhaab al kuluudaani cilmiga fiqhigana ayaga ayaa u aqriyay

Waxaa uu ka qaatay sheeq jeylaani ciliga bayaanka iyo balaaqada sh cali abaa zakariyaa yaxtaa al tabariizi

Waxaa uu ka qaaatay cilmiga tasawufka sh cali abaa muxamed jacfar bin axmed saraaj iyo shsh axmed bin muslim al dabbaas

Waxaa kaloo uu lahaa sheeqa macalimiin intaa ka badan oo ay ka mid yihiin muxamed ina cali al farasi iyo c/raxmaan ina axmed ina yuusuf iyo abuu al barakaat hibadii barakaysneed sheeqii lagu naaneesi jidhay iyo qaadigii mubarak ina cali al makhzuumii iyo muxamed ina qaadii abaa yuclaa al farraa al xanbalii

Ardaydii ka qaadatay diinta 

 Sheeq c/qaadir al jeylaani waxaa uu baqdaad kulahaa madaraso waxaaana uu wax baraya arday muddo 33sano ah waxaa sanadkiiba ka qalin jabin jirtay in gaadhayso 30,000 waxaa uu wax baray 100,000 kaga timid dunida dacaladiisa waxaa aradaydiisa kamid ahaa axmed ina mubaarak iyo muxamed ina al fatax waxay labadani qabteen madarasda sheeqa waxaa ardayda ka mid ahaa abuu al fatax al hurawii waxaana uu ahaa adeega qiimaha leh gacan yaraha sheeqa waxaana uu yiri waxaan u khidmaynaya sheeqa muddo 40sano sheeqayga c/qaadirna uu ku tukanayay waysdii uu cishaha ku tukaday waxaaa ardayda sheeqa kamid ahaa shuceyb abuu madyan sheeqii dalka loo yaqiino maqrib iyo sh abuu ccamar cusmaan ina marzuuq ina xamiid al qureeshii sheeqii masar ahaa iyo sheeq maxamuud ina cusmaan al baqqaal iyo imaam cusmaan lagu naaneesi jidhay shaaficiga zamankiisa iyo fiqhi badanihii raslaan ina c/laqahi inaan shacbaan iyo c/malik ina ciise ina harbaas ah ,walaalkii cusmaan,wiilkiisa c/raxmaan dhammaan waxaa wax baray sheeq c/qaadir al jeylaani sheeqa ayaa ardaydiisa lagusoo kooba karin halkan waxaa ugu wacan farabadnidooda waayo 30,000 oo arday waan qorayaa hadaaad dhahdid kuuma saamaxayso qoristooda waxaana inooga filan inta ku xusan halkan allaha nagu anfaco aamiin

sifooyinkii sheeqa

sheeqa qxaa ka muuqatay calaamadaha xalaal miirad iyo toosnaan waa waji balaarnaaa midabkiisa booor ahaa tintiisu gaadhaysa garbihiisa garbaha u waawaynaa xubno fidsanaa cod macaanaa hadal soocnaa fiirmadiisu kulu layd waxaa ay ku qasbi jirtay eegmadiisa kan ag fadhiya inuu ka jeesto sheeqa waxaa uu ahaa sheeqa caato

sifooyinkiisa dabeedaha waxaa uu ahaa mid duco badan ilmadiisa dhawdahay dikri badan fakar badan qalbi jilicsan naf wanaagsan gacma fuuran cilmi badan akhlaaq wanaagsan ogaal suuban ku dag dag badanaa cibaadad iyo dadaalka diinta uu u dadaalo waxaa u dheerayd inuu la fadhiisan jidhay ilmaha iyo fuarada kana dheeraan jidhay dadka is weeneeyo iyo boqorada mana tagi jirin albaabka waziirada iyo boqortooyada waxaa uu ahaa mid run badan wuu barbaaray isaga oo run badana ah aan been sheegayn waxaa uu ahaa mid sadaqada baxsha neceb kuwa baqeela sheeq c/qaadir al jeylaani qisadan ayaa nooga filan isaga oo ka sheekeenayo suaal uu nabi ciise uu waydiiyay ibliis waxaa uu yiri nabi ciise [c.s.w] yaa ugu jeceshahay dadka waxaa uu yiri ibliis mu’min bakhayla iyo faasiq deeqsi ah waxaa uu yiri nabi ciise maxaa yuu ku jawaabay waxaan rajeeya mu’minka bakheelnimada inay ku jiito macsiyo faasiqa wax baxshana ooga baqaa in loogu dhaafo danbigiisa

sheeqa sabrigiisa waa  uu u sabray gaajada,dhar la’aanta,faqriga,xumaynta dadka,waxaa uu u sabra quruxda dunida iyo shahawaatkeedawaa uu dulqaad badnaa waxaasheeqa wabiga dulja la yidhaahdo sheeqiisa xamaad al dabbaas ma uu san caroon sheeqa waa uu u8 dulqaaday sheeqa waxaaa uu ahaa mid alle ka cabsi miiran xalaal miiradna ah waxaa ka mid ah inuu ahaa zaahid waxa uu ku barbaaray magaalada jeylaani waxa uu ahaa mid nasab wanaagsan waalid wacan ku barbaaray akhlaaq wanaagsan waa ay feedmatay wadooyinka magaalada jeylaani ilaa baqdaad waxaa uu damcay inuu ka cararo baqdaad diintiisa isaga oo u baqayo waxaa ka qaalib noqday hadafkii uu lahaa wuuna u samray dhibaatooyinkii soo wajahaba

aas aaskii qaadiriyada      

                                   waxaa uu dajiya sheeq c/qaadirv dariiqada qaadiriyada iyada oo uu u dajiyay 7arin in lagu dadaalo an allah la tawakalo ai la wanaajissto dabeecada in eebe lagu shukriyo in la sabro in in loo raali noqdo qadarta in laga run sheego hadalka

geeridii sheeqa

waxaa ay taariikhyahanadu isku raaceen inuu geeriyooday sheeq c/qaadir al jelaani sanadka markuu ahaa 561h halka ay ku biigneed 1166m habeen sabti ah 10ka rabiicu al aakhir waxaana uu ahaa 90jir halka ay ahayd 13/2/1166m

sheeqa ayaa ahaa wali alle oo burhaantiisa watay nuur badane nimco eebe soo diray cumri barakaysan looga bogtay diinta iyo wadada toosan ee uu inoo dhigay sheeqa ayaa lahaa awlaad badan waxaana kamid ahaa sheeq c/wahaab sheeq c/qaadir al jeylaani waxaana uu noqday ninkii ku tukaday sheeqa makii uu geeriyooday sheeqa taariikhdiisa ayaa looga bogan karin maalmo waxaa uu leeyahay safaxad dhaadheer iyo kutub kaaga baahan inaad ooga soo bogatid aqriska taariiqdiisa

Maqaalkaan dhaliishiisa iyo Amaantiisa waxaa is kaleh Xafiiska _xafiiska soomaalida ay ku leedahay jaamacadda caalamiga ah ee Axqaaf oo Inoo soo diray 

Tifatiraha guud ee maqaalka :yuusuf cumar maxamed

yuusuf Al-Qaadhi

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14170

Posted by on Dec 26 2012. Filed under Qormooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented