Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2012 oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland .

Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa 24-December-2012, lagu soo gaba gabeeyay Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2012 (HIRDA AFT) kaasi oo sanad waliba xilliyadaan oo kale lagu qabto Magaalada Amsterdam, iyadoona sanadkaan uu ahaa mid ka duwan sanadihii hore, waxaana ciyaaraha AFT sanadkaan kasoo qeyb galay 36-kooxood oo ku tartamayay Ciyaaraha Fustelka iyo 2-koox oo gabdho Kubada Koleyga.

HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2012 ayaa sanadkaan waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kala gedisan kuwaa oo ka kala socday Jaaliyadaha Isboortiga wadamada Yurub, iyadoona sidoo kale ay kasoo qeyb galeen Madax Isboorti iyo Shaqsiyaad Magac ku leh Bahda Isboortiga dhexdeeda.

Ciyaaraha Futsalka Wiilasha ayaa sanadkaan waxaa furay Ciyaaryahankii weynaa ee xulka Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil iyo Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir yuusuf, iyadoona dhinaca kale Ciyaarta Kubada Koleyga ee gabdhaha furtay Agaasimaha Guud ee hey’adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax.

Ciyaaraha Futsaka oo furmay 21-December ayaa waxaa fooda isku daray 36-kooxood, oo ka kala socday wadamada UK, Norwey, Denmark, Sweden, Germany iyo Holland, waxaa wareega 2-aad usoo gudbey 12-kooxood kuwaasi oo 24-December fooda is daray isla markaana ciyaaro aad u xiiso badan soo bandhigay.

Ka hor Ciyaarta Finalka Futsalka ayaa waxaa la ciyaaray Ciyaar Kubada Koleyga Gabdhaha Soomaalida, taa oo ay fooda isku dareen Ciyaartoyda Kubada Koleyga ee Qaranka dalka Soomaaliya kuwii hore iyo kuwii danbe, iyadooona ay ku kala ciyaarayeen Kooxda A&B, waxaana Ciyaartaasi koobka la hoyday Kooxda B.

Kooxda (A) waxaa u ciyaarayay Ciyaaryahanada kala ah: Istaahil, Qaali, Ilwaad, Naciimo, Saamiya, Waxaana Macalimad u aheyd Xaawo Kiin.

Kooxda (B) waxaa u ciyaarayay Ciyaaryahanada kala ah: Baarliin Cadaawe, Batuulo Xaaji Nuur, Sahro yarey, Manaal, Mahdiyo, Waxaana Macalimad u aheyd Shukri Dalbaas.

Finalka Ciyaaraha Futsalka Ayaa waxaa isugu soo haray Kooxaha Olompic Denmark iyo Kooxda Rotterdam ee dalka Holland, iyadoona Ciyaar Culus oo dhex martay labadaasi Kooxood ay kusoo gaba gabowday Bar-bar dhac, inkastoo Gool ku laad labada Koox loo dhigay ay Nasiibka u heshay in Kooxda Sanadka ay noqoto Kooxda Rotterdam ee ka dhisan dalka Holland kuwaa oo la hoyday Koobka Ciyaaraha HIRDA AFT 2012.

Gaba-gabadii Ciyaaraha HIRDA AFT 2012, ayaa waxaa ka hadlay Madaxda sare ee hey’adda HIRDA Guddoomiye Eng. Maxamed C/salaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax, iyadoona Labada Mas’uul ay Mahadnaq aad u balaaran u jeediyeen dhamaan Intii kala qeyb qaadatay Habsami u socodka Ciyaaraha HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2012, iyagoona sidoo kale Amaan u jeediyay Kooxihii iyo Marti sharaftii kala duwaneed ee kasoo qeyb gashay HIRDA AFT 2012.

Abaalmarino isugu jiray Koobab, Bilado, Qalab Isbooorti iyo Abaal Marin lacageed ayaa la guddoonsiiyay Kooxihii iyo Ciyaartoydii ka qeyb gashay HIRDA AFT 2012, wiilal iyo Gabdho, iyadoona Abaalmarinadaas iy Biladaha loo kala bixiyay sida soo socota:

1- Koobka Sanadka ee Wiilasha Futsalka iyo Abaal marin Lacageed, waxaa hanatay Kooxda Rotterdam ee ka dhisan dalka Holland, waxaana Koobkaasi bixiyay Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya, Maxamed ismaaciil.

2- Koobka Kooxda labaad ee Sanadka waxaa hantay Kooxda Olympic-Denmark, waxaana Bixiyay Qabiir Isboorti Abuukar Abanuur.

3- Abaal-marinta Ciyaartoyda ugu wanaagsanaa ee Ciyaaraha HIRDA AFT 2012, waxaa hantay Ciyaaryahan Maxamed Tiiraad, waxaana Abaalmarin (Award & Shoes) bixiyay Mucjisaha Kubada Miiska Magan Tahir Yuusuf.

4- Gool dhaliyaha Sanadkaan ee HIRDA AFT 2012 waxaa noqday Ciyaaryahan Axmed Feysal, waxaana Abaalmarintaasi bixiyay Aweys Edar.

5- Garsoorayaasha Ciyaarta Garsoorayay oo ahaa garsooorayaal Ajnabi ayaa waxaa Bilado Guddoonsiiyay Garsoore Caalami Axmed Saalax Diinaashe.

Dhinaca Gabdhaha Kubada Koleyga:

1- Koobka Ciyaaraha Kubada Koleyga gabdhaha waxaa sanadkaan Bixiyay Macalinkii Xulka Qaranka gabdhaha Kubada Koleyga ee Xilligii bari-samaadka, C/raxmaan Guhaad Shiino.

2- Ciyaaryahanada Ugu wanaagsan waxaa ku guuleesatay Ciyaaryahanad Manaal, waxaana (Award best player) bixiyay Eng. Baana Abdalla Ali oo ka tirsan Madaxda FIBA AFRICA.

3- Biladaha Ciyaartoyda iyo Finaanado waxaa bixiyay Axmed Muuse.

4- Abaal-marino loogu tala galay da’yarta Qaranka gabdhaha Kubada Koleyga ayaa waxaa halkaasi ku bixiyay Gabdhihii hore ee Xulka Qaranka dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen, Shukri Dalbaas, Baarliin Cadaawe, Xaawo Kiin, Batuulo Xaaji Nuur & Canab Istaahil.

* Abaalmarinta Howlwadeenadii marti sharafta ahaa ayaa waxaa la Guddoonsiiyay: Macalin Shiino Guhaad, Macalin Xasan faarax John, C/salaan iyo Axmed Diinaashe, waxaana Abaalmarintaasi Bixiyay Saciid Xandulle oo ka mid ahaa guddiga Qaban qaabada HIRDA AFT 2012.

* Abaal-marinta Dhinaca Warbaahinta ayaa waxaa Bixiyay Guddoomiyaha Jaaliyada Isboortiga Magaalada London ee cariga dalka Britian, Mudane Daahir Cali Kulmiye.

Qoyska reer Mandaliif oo ah Qoys Isboorti isla markaana Abaal-marino ugu tala-galay Ciyaartoyda da’da yar ee qaranka gabdhaha Kubada Koleyga ayaa sidoo kale Abaal-marin Guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee hey’adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax, waxaana Abaal-marintaasi bixiyay Ciyaaryahanka da’da yar ee Kubada Koleyga Yaxye Mandaliif.

“Waxaa Maskaxdeeda ka go’een sida wanaagsan, hagar la’aanta ah oo ay inala shaqeeyeen dhamaan Dhalinta iyo Odiyaasha gacanta ka geystay habsami u socodka Ciyaaraha, runtii HIRDA kaligeed waxba ma qaban, idinkaa nala shaqeeyay, idinkaa na caawiyay, dhamaantiin waad wada mahadsantihiin, HIRDA AFT 2012 wuu inoo xeran yahay, inagoo faraxsan cafimaad wada qabna ayaan rajeeneynaa Mar kale in aan isugu soo laabano HIRDA AFT 2013″ Sidaa waxaa tiri Agaasimaha Guud ee hey’adda HIRDA Marwo faadumo Faarax.

20/24 December 2012 Magaalada Amsterdam ee dalka Holland waxaa ka socday Xaflado iyo Ciyaaro isugu jira Futsal iyo Basketball Gabdho, taasi oo la dhihi karo sanadkaan waxa ay aheyd mid ka gedisan 7-dii sano ee horey loosoo dhaafay, iyadoona sanadkaan Xafladii Furitaanka Ciyaaraha AFT 2012 uu qadka isgaarsiinta kaga qeyb galay Khudbad aad u qiimo baddanna u jeediyay Bahda isboortiga, Wasiir Kuxigeenka Wasaarada horu-marinta Arrimaha bulshada ee Dowlada jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2012, Ayaa sanadkaan waxa uu kusoo idlaaday Jawi Isboorti iyo faraxad aan lasoo koobi karin, iyadoona lagu balamay in sanadka soo socda ee 2012, laga hor-mariyo sida uu ahaa Sanadkaan 2012.

W/D. Salah Hassan Omer [Salah Dheere]

Amsterdam – Nederlands.

Email: s.dheere@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14234

Posted by on Dec 28 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented