Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

David Silva oo quus ka taagan qaab ciyaaredka Man City ee xili ciyaaredkan(by liida)

Laacibka xulka qaranka Spain iyo kooxda Man City waa ciyaaryahan David Silva ayaa haatan deyr ka Taagan sida ay u ciyaareysa kooxdiisa Man City xili ciyaaredkan asagoona tilmaamay in kooxda Man City Hadii sidan ay u sii ciyaarto in aysan qaadi doonin horyaalka England ee Premier League.

Silva ayaa sheegay in uu aad aaga xumaday guul daradii kasoo gaartay kulankii ugu danbeeyay oo ay la Ciyaaren kooxda Sunderland.

Silva ayaa intaa ku daray in caro badan ay muujinayeen ciyaaryahanada kooxda Man City kadib marki ay Dhamaatay ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Sunderland oo ay ku guul dareesten 1-0.

26 jirkan ayaa walaac ka muujiyay qaab ciyaaredka kooxdiisa Man City oo uu sheegay in sida haatan ay Kooxdiisu u ciyaareso aysan ku qaadi karin horyaalka England ee Premier League.

Kooxda Man City ayaa xili ciyaaredkii hore 19 kulan ay ciyaartay waxee dhalisan 53 gool halka xili Ciyaaredkan 19 kulan ay ciyaartayna ay dhalisay 34 gool taana waxe muujineesaa isbadalka ku yimid Kooxda Man City.

Man City ayaa heesata ciyaaryahano dhamesytiran oo dhan walba ah laakin inta badan dadka darsa Isboortiga ayaa dhaliilayaan  dhinaca maamulka kooxda oo ay eeda dusha kaga tuurayaan tababare Mancini oo haatan leylinayo kooxda Man City.

Isku soo wada duuboo kooxda Man City ayaa 7 dhibac ka danbeysa kooxda ay xifaaltamaan 3di sano ee Ugu danbeesay waa kooxda Manchester United inkastoo horyaalka haatan uu marayo dhex bartanka Laakin waxaa la eegi doonaa waxa iska badali doona sanadka cusub ee 2013.

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14286

Posted by on Dec 29 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented