ibrahim
|

Goroonka kubada cakta istadio muqdisho oo qiimen balaran lugu sameyay qarshadka ku kacayo

Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu culeys ku saarayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay ka guuraan garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab, Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka iyo Lex Vander oo ah kabiirka hada dhisaya garoonka Stadium Banaadir waxaa ay booqdeen garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyagoo soo kormeeray qeybaha uu garoonku ka kooban yahay soona qiimeeyeen baaxada burburka garoonka soo gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu weydiisanayo ururka FIFA in uu garoonkan dib u dhis ku sameeyo.

“Booqashadeenu waxaa ay xambaarsaneed sadex muhiimadood oo waaeyn, tan koobaad waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM loo muujiyo in wali ay naga go’an tahay in garoonku uu kusoo laabto gacanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo in xiriirku uu ka dhur sugayo ciidamada AMISOM in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii hore oo ahaa in ay garoonka ka guurayaan, xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu doonayaa in uu qiimeeyo dhibaatada garoonka islamarkana uu dib u dhis ku sameeyo, taasina waa muhiimada labaad ee booqashadeena tan sadexaadna waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM culeys lagu saaro in garoonka ay ka baxaan, maadaama kusii jiritaankooda garoonku uu dib u dhac ku keenay cayaarihii gobalada ee aanu damacsanayn bishan in aan bilowno”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed maanta soo saaray.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay intii booqashadu socotay in khabiirku uu madaxda xiriirka siiyay talo iyo tusaalooyin ku aadan dib u dhiska garoonka oo xiriirku uu la kaashanayo ururka FIFA si cows artifishal ah loogu golglo si La mida stadium Banadir oo iminka howl ku socoto.

Intii ay socotay booqashadaas oo muddo saacado ah qaadatay ayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay kulan muddo dheer socday la yeesheen Captain Angua oo ah sarkaalka xukuma ciidamada fadhiya Stadium Mudisho iyo saraakiil kale iyagoo weydiiyay in ay sharaxaad

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14282

Posted by on Dec 29 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan