ibrahim
|

Theo Walcott oo cagta mariyay kooxda New Castle(by liida)

Ciyaaryhanka rug cadaaga ah ee u ciyaara naadiga Arsenal ayaa caawa soo bandhigay wacdaro kadib Markii uu sedax gool ama hatric sida loo yaqaano uu ku xasuuqay naadiga New Castle inkastoo kooxda Arsenal bilowgii ciyaarta ay kala kulantay cadaadis xoog badan kooxda New Castle.

Walcott ayaa ahaa ciyaaryahankii kaliya ee ka muuqday garoonka inkastoo dhexda ay maamulayaan Ciyaryahanada Wilshere iyo Cazorla, Arteta  hadana Walcott ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee Arsenal u Dhalinkaray goolal sababtoo ah dhowr jaanis oo loo filan karay gool ayuu qasaariyay.

Kooxda Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar wanaag iyo kubad ku saleysan baasas, ciyaarta ayaa Aheyd mid lees wedaarsanayay goolasha, Arsenal ayaa ku hormareesay goolasha  halka kooxda New Castle na ay la dawa kacday goolal ay isaga bareejeenesay.

Ciyaartan dhex martay kooxda Arsenal iyo kooxda New Castle ayaa kusoo gaba gabowday 7-3 oo ay Guusha ku raacday kooxda Arsenal.

Isku soo wada doob goolasha leeska dhaliyay ciyaarta ayaa gaareysa ilaa iyo 10 gool.

Fetah Ali (liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14337

Posted by on Dec 29 2012. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan