Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Mo Farah oo looga shakiyey Argigixiso .

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa baahiyay wareysi uu la yeeshay orodyahanka Mo Farah kaasi oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Mareykanka,waxa uuna mo farah sheegay in laga shakiyay babasaboorkiisa oo lagu arkay soomaali taana sababtay in laga shakiyo.

Mo Farah

Orod yahanka caanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya balse haaysta dhalashada Britian ayaa sheegay in isaga uusan walwal ka qabin shaki la xariirta in xariir la leeyahah kiooxaha al-qaa’ida,maadaama uu sheegay in uu yahay nin caan ah oo aduunka laga wada yaqaano.

Mo Farah and family

 

Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaan cadeymaha uu haysto.

“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah

Mo Farah and Gary Lineker

Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaan cadeymaha uu haysto.

“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah.

Mo Farah and family at SPOTY

Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey in uu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Mo Farah markii la weydiiyay su’aalo badan islamarkaan la aqoonsadaya ayaa waxa uu sheegay in loo ogalaaday in u dhaqaaqo halkii uu doonayay.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14344

Posted by on Dec 30 2012. Filed under Cayaaraha, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented