Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Wajiyada badan ee al-Shabaab ku joogto Kenya.

Bulshada Soomaaliyeed ee Kenya kunool ayaa dusha looga tuuray mas’uuliyadda in badan oo ka mida weerarrada al-Shabaab, balse falanqeeyayaal xagga ammaanka ah iyo saraakiil ayaa ka digay abaaridda Soomaalida in ay kordhin doonto halista weerarro mustaqbalka dhaca, iyadoo xagjiriin jinsiyado kale ah ay gaysan karaan howlo argagixiso iyada oo aan la ogayn.

  • Muwaaddin Switzerland u dhashay oo lagu magacaabo Magd Najjat (midig) oo la hor keenay maxkamad Nairobi ku taal si rasmi ahaan loogu eedeeyo xiriir uu la leeyahay al-Shabaab. Najjar ayaa ah mid kamid ah tuhmanayaal badan oo ah howl-fuliyayaasha al-Shabaab ee Kenya kana soo kala jeeda waddamo kala duwan. [Simon Maina/AFP]Muwaaddin Switzerland u dhashay oo lagu magacaabo Magd Najjat (midig) oo la hor keenay maxkamad Nairobi ku taal si rasmi ahaan loogu eedeeyo xiriir uu la leeyahay al-Shabaab. Najjar ayaa ah mid kamid ah tuhmanayaal badan oo ah howl-fuliyayaasha al-Shabaab ee Kenya kana soo kala jeeda waddamo kala duwan. [Simon Maina/AFP]

Qodobbo la xiriira

Aadan Ducaale, oo xubin ka ah baarlamaanka, matalana Dujis, ayaa sheegay in dadka Keenyaanka ay marka hore ka shakiyaan Soomaalida mar alla iyo marka weerar argaggixiso laga fuliyo gudaha Kenya.

“Weerarada inta badan waxa ay sawir khaldan ka bixiyaan bulshada Soomaalida, saas oo ay tahayna qofna wajiba ugama qorna in ay xubno ka yihiin [kooxda]. In la beegsado bulshada Soomaalida waa takoorid iyo ajanabi naceyb,” ayuu u sheegay Sabahi.

Bilihii lasoo dhaafay,ciidamada ammaanka Kenya waxa ay weerarrada argaggixisada kaga jawaabeen in ay olole ku qaadaan qaxootiga, sida xarig baahsan oo lagula kaco dadka asal ahaan kasoo jeeda Soomaalida. Todobaadkii hore, xukuumadda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in dhamaan qaxootiga ku sugan Kenya ay ku laabtaan xeryaha, iyadoo diiwaan-galinta iyo adeegyada kale laga joojin doono magaalooyinka.

Hay’adda Qaxootiga u Qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii (Desember 20-keedii) ugu baaqday Kenya in ay ka fogaato in ay qaxootiga ku eedeyso rabsahdihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Keenyaanka oo kaalin muuqata ku leh argagixisada

“Xubinnimada al-Shabaab waa ay dhaafsiisan tahay bulshada Soomaalida,” ayuu yiri Bashiir Xaaji Cabdulaahi, oo ah sarkaal howlgab ka ah Ciidamada Difaaca Kenya, haddana la taliye ka ah xagga ammaanka.

Al-Shabaab waxa ay si istiritaajiyad ay ku jirto u qorteen dad aan Soomaali aheeyn si ay u yareeyaan fursadaha xubnahooda lagu qaban karo, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Soomaalida si isa soo taraysa uga laba-labeeynayaan ku biiridda kooxda sababo la xiriira daalka ay dagaalka ka qaadeen.

Sida uu sheegayo Boniface Mwaniki, oo ah madaxa Unugta la Dagaalanta Argaggixisada ee Kenya, 1,900 oo tuhmane ayaa loo qabtay xiriirka ay la leeyihiin argaggixisada tan iyo bishii June — 1,200 Nairobi ayaa lagu qabtay, 400 Mombasa, halka 300 ee kalena lagu qabtay Gaarisa.

“Xabsi ayaannu ku haynaa, waxaannuna isha ku haynaa dadka kasoo jeeda Kikuyu, Bajuni, Luo, Luhyia iyo sidoo kale dadka kasoo jeeda Akamba,” ayuu u sheegay sabahi.

Madaxda ayaa sheegaya in Elgiva Bwire, oo ah Keenyaan kasoo jeeda qowmiyadda Luhya, oo ku badan Galbeedka Kenya, uu tusaale u yahay dagaalyahanada aan Soomaalida ahayn ee al-Shabaab.

Bwire, oo lagu naanayso Maxamed Sayf, ayaa dambi kahor qirtay maxkamad Nairobi ku taala October 2011-kii in uu xubin ka yahay al-Shabaab iyo kulug lahaashihiisa weerar bambaano oo bishaas ka dhacay astaanka basaska OTC ee Nairobi halkaa oo uu ku dhintay hal qof, 18 kalena dhaawacay.

Axmed Iimaan Cali, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda al-Shabaab la xulafada ah ee Xarunta Dhallinyada Muslinka (MYC), ayaa ah shakhsi kale oo caan ah oo al-Shabaab ah oo aan Soomaali ahayn.

Cali, oo sidoo kale loo yaqaano Cabdi Fataax Kismaaayo, ayaa waxa uu kasoo jeedaa qowmiyadda Meru ee dagta Gobolka Bariga Kenya, waxa uuna Soomaaliya ka howlgalayay ilaa 2009-kii, sida lagu sheegay warbixin Qaramada Midoobay kasoo baxday bishii July 2011-kii. Warbixinta ayaa shaaca ka qaadday in MYC yahay garabka dagaalyannada Kenya uga qora al-Shabaab, maal galiya isla markaana tababara.

Dagaalyahanada ajaanibta ah ee al-Shabaab

Guddoomiyaha Degaanka Gaarisa Maxamed Macalin ayaa sheegay in boqolaal aan Soomaali aheeyn ay si sir ah isaga qoreen in ay ka bar bar dagaalamaan al-Shabaab-ta Soomaaliya ilaa 2006-dii.

Dhab ahaantii, Mu’asasadda al-Kataaib, oo ah xarunta warbaahinta al-Shabaab, wax ay dhowaan kor u qaadeen dadaalladooda qoritaan iyagoo sii daynaya muuqaalo xiriir ah oo ay jihaadiyiinta ajaanibta ah ku boorinayaan in ay kusoo biiraan dagaalka Soomaaliya ka socda.

Macalim ayaa sheegay in 2011-kii ay ciidamada ammaanka qabteen in ka badan 30 ajaanib ah oo kusii socday ama ka yimid Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in intaa kabadan ay sii wateen safarkooda iyagoon la ogaan. “Tiro ayaa wali xabsiga ku jira, waxa ayna gacan ka gaysanayaan baaritaanada, halka qaar kale lasii daayay oo xaladahoodana lala socdo,” ayuu u sheegay Sabahi.

Macalim ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay, ay bilayska xireen ama qabteen dad lagu tuhunsanyahay in ay al-Shabaab xiriir la leeyihiin oo wata baasabooro Marookaan, Iiraaniyaan, Sacuudiyaan iyo Ingiriis isugu jira. “Cabsida aan wajahayno kaliya kama imanayso dibadda, balse sidoo kale waxa ay ka imanaysaa gudaha iyo dad aan laga [shakiyeeyn],” ayuu yiri.

Dacwadaha heerka sare ah ayaa waxaa kamid ah qabashada muwaadinka u dhashay Ingiriiska Jermaine Grant oo la xiray Desember 2011-kii, kaa oo lagusoo oogay haysashada walxaha qarxa iyo in uu qorshaynayay weerar uu ka fuliyo Mombasa. Maxakamaddiisa ayaan wali go’aan laga gaarin.

Muwaaddinadda Ingiriiska ah ee Samantha Lewthwaite, oo ah armaladda baxsadka ah ee Germaine Lindsay, oo ahaa ninkii soo qorsheeyay weeraradii London ka dhacay bishii July 7-deedii 2005-tii, ayaa sidoo kale la rumaysanyahay in ay Soomaaliya ku dhuuumaalaysanayso, sida ay bilaysku sheegayaan. Bishii Sebtember, Lewthwaite waxa ay internetka soo dhigtay in ay qorshaynayso in ay ka qeyb qaadato weerar ismiidaamin ah, iyadoo ammaantay howlaha al-Shabaab.

Dhowaantan, bilayska Kenya ayaa bishii May xiray Magd Najjar oo ah muwaadin u dhashay Switzerland, waxa ayna kusoo dacweeyeen in uu xiriir la lahaa alp-Shabaab iyo in uu dalka sharci darro kusoo galay. Najjar ayaa dafiray eedeymaha, waana maxkamad suge.

Aaden Maxamed Saalax, oo ah madaxa Unugta Bilayska ee Argaggixisada la dagaalnta ee Baydhaba, ayaa sheegay in al-Shabaab ay adeegsato abaal-gud si ay usoo jiidato ajaanibta. “Marka laga soo tago in ay sheeganayaan in Soomaaliya ay gaalo soo weerareen, waxa ay sidoo kale u ballan-qaadeen abaal-gud lacageed kuwa kusoo biira dagaalladooda,” ayuu u sheegay Sabahi.

Waxa uu sheegay in ajaanibta la diiwaan-galiyo ay tijaabooyin maraan si loo caddeeyo in aanay aheyn basaasiin. “Tijaabada waxaa kamid ah dilidda dadka ay al-Shabaab inta badan ku xukumaan sharcigooda. Dilka ayaa waxa lagu fuliyaa toogasho ama in middi la adeegsado ama in la dhagax lagu dilo,” ayuu yiri.

Lashaqeynta muwaaddiniinta waa muhiim si loo joojiyo al-Shabaab

Inta badan dadka la xiray waxaa mahaddeeda leh warbixinno ay soo gudbiyeen muwaaddiniinta feejigan. dagaalyahannada kale ee al-Shabaab waxaa lagu qabtay dhulka qalalan ee Gobollada Waqooyi Bari iyo Xeebta halkaa oo ay kaga tageen hoggaamiyayaashooda, ayuu yiri Guddoomiyaha Degaanka Gaarisa.

“Hadda ayay Keenyaanku si tartiib tartiib ah u soo fahmayaan in qof kasoo jeeda Nyanza, Bartamaha ama Gobolka Rift Valley uu ku lug-yeelan karo kooxaha Islaamiyiinta,” ayuu Macalim yiri. “Al-Shabaab wajiyo badan ayay leedahay, dowladduna aad bay uga feejigantahay xaqiiqdaas.”

 Xigasho:Sabahi online

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14387

Posted by on Dec 30 2012. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented