Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Hawaney Mucjiso ah oo dhaqaneysa reerkeeda.(DAAWO SAWIRO)

Sumaya Cabdi ilaah waa Gabar Cuuryan ah waxa ayna Jeclaatay sida Qisada ay sheegeyso Wiilka lagu magacaabo Mucaad oo ah dhalinyaro in mudda ah kadib isaguna wuu aqbalay Jaceylka isaga oo aan eegin in Sumaya ay tahay Cuuryan ama ay dhameystirantahay dhanka Jirkeeda

Jaceyl kadib waxaa la gaaray xiligii ay is calfan lahaayen waxaana suura gashay in Sumaya iyo Mucaad ay aqal galaan waxa ayna arintaasi amakaak ku noqotay asxaabta Mucaad oo aan waxba kala socon Jaceylka dhex maray Mucaad iyo Sumaya

Mucaad waxa uu ahaa Ruux aad u Jeclaa Sumaya oo Cuuryan ah isaga oona aaminsanaa in Jaceylka uusan ahayn mid lagu doorto muuqaalka ama Jirka balse waxa uu ahaa ruux aaminsan in mar waliba uu guursanaayo qofka uu alle nasiibka ugu daro waxa uuna nasiib u yeeshay Sumaya oo cuuryan ah in mudda ahna jaceyl la jilaayay

Waxa ay isku dhaleen Canugii ugu horeeyay oo muuqaal ahaan ka qurux badan aabihiisa iyo hooyadiisa waxa ayna arintaasi amakaak ku noqotay dhalintii aaminsanaa in qurux lagu dhalo qurux kale balse kama aynan fakirin in calafku uu yahay mid aan la garan karin halka uu cagta dhigaayo

Ugu danbeyn Lamaanaha ayaa iyagu iminka ka muuqaal qurxan dadka aaminsan in quruxda ay tahay mid dadka lagu xusho waxa ayna Qisadaasi tusaale u tahay in Jaceylka uusan lahayn muuqaal gaar ah oo leysku xusho.

Daawo Sawirada.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14511

Posted by on Jan 2 2013. Filed under Arrimaha bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented