Ciidamada Amisom Oo Toogteyn Nin Madaxa Looga jiro.
Warar kala duwan oo ka soo baxaya Deegaanka Kax Shiiqaal ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxeey ciidamada Amisom ku toogteyn nin Madaxa looga jiro.Ciidamada Amisom ayaa istaajiyay ninkani madaxa looga jiray ayagoo ku amray in uu is taago balse nin xanuunsanaya oo madaxa looga jiro ma garto wax loo sheegaya waxeeyna taasi sababtay in ay Madaxa ka toogtan Ciidamada Amisom.
Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Meydka Marxuunka xanuunsanaa ay meesha ka qaadeyn Eheladiisa oo aad uga xumaaday falkii lagu dilay wiilkooda xanuunsanaa ee maanta ay toogteen ciidamada Amisom.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo Ciidmaada Amisom qof xanuunsanaya ay toogaan waxaana dhowr jeer oo hore ay u toogteyn dad madaxa looga jiro.
By Indho Muqdisho
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14522