Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Qarax miino Oo Lagula Eegtay Amisom degmada Marko ee xarunta gobalka Sh/ hoose.

Wararka laga helayo degmada Marko ee xarunta gobalka Sh/ hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qarax miino oo qasaare nafeed geestay lagula eegtay ciidamo katirsan AMISOM oo marayay gudaha degmadaasi.

Gudoomiye kuxigenka degmadaasi ayaa waxa uu xaqiijiyay in weeraku dhacay ayna kugeeriyoodeen dad rayid ah oo caruur iyo haween ay kujiraan, hasa yeeshee waxa uu kagaabsaday in ay wax noqdeen ciidamdii bartilmaameedku ahaa.

Majirto koox sheegatay masuuliyada  Qaraxa  weerarkaasi hasa yeeshee falalka nuucaan oo kale ah waxaa lagu eedeeyaa in ay kadanbeeyaan Al-shabaab oo iyagu dagaal xooggan kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa caadi ka ah in weerarro loo adeegsado qaraxyo lala eegto ciidamada AMISOM iyo saraakiisha Soomaalida ah, inta badanna waxaa sheegta weeraradaasi Al-shabaab oo waliba kuhanjaba in aysii wadayaan dagaalada iyo qaraxyada.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14518

Posted by on Jan 2 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented