|

Daniel Sturridge wax maku soo kor dhin doonaa Liverpool?(by Liida)

Ciyaaryahan Sturridge ayaa shalay kusoo biiray naadiga Liverpool oo kaalinta 8 aad kaga jirta Horyaalka Premier League ciyaaryahankan ayaa ciyaartii xalay kooxda Liverpool daawanayay Inkastoo u xernaa fanaanada kooxda Liverpool.

Kaptanka kooxda Liverpool ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay ciyaaryahan Sturridge Waxuuna ku yiri hada ayaa la joogaa xiligii aad noqon laheyd xidiga aduunka.

Su aasha dad badani ay is weydiin karaan waa Sturridge wax maku soo kordhin doonaa mise Liverpool oo haatan xaalka uu ku xunyhay sideeda ayee iska sii ahaan?.

Sturridge ayaa kooxda Chelsea kasoo iibsatay kooxda Manchester City lacag gaareysa 3 Milyan, hadana 12 milyan ayee kusiisay kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa markasta soo gadata ciyaaryahan kooxda ku noqda Flop waxaa horay usoo Maray ciyaaryahan Carol oo ahaa ciyaaryahan ay kasoo bixisay lacago badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la eegi doonaa ciyaaryahankan cusub waxa uu kusoo kordhin Karo kooxdiisa cusub ee Liverpool.

Fetah Ali (Liida)
Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14579

Posted by on Jan 3 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan