Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Jaaliyada Jubooyinka Ee South Africa Oo Baaq u Diraya Maamulada Goboladasi.

Jaaliyada Soomaalida Koonfur Africa ee Jubbaland ayaa baaq dheer u diraya dhinacyada dega Jubaland si ay isaga kaashan lahaayeen hormarinta iyo nabadeynta gobolka oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo garab weyn ka helaya ciidamada nabad sugida ee AMINSON.

 

Gudoomiyaha Guud ee Jaaliyada Jubbaland oo fadhigiisa yahay magaalada Cape Town Maxamed Axmednuur Xaashi (Weyrax) oo saxaafada kula hadlay xafiskiisa ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay dilalka loo geysanayo nabadoonada dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin Berimo geedo isla markana ay mudan yihiin in la dhowro.

 

Maxamed A Weyrax ayaa warka intaasi ku daray in xiligani nabadoonada ay yihiin kuwii dhex dhexaadin lahaa dhalinta ubaxa gobolka jubaland isla markaana xog badan ka haaya marxaladihii oo uu soo maray gobolka sidaasi oo ay tahay ay qalad tahay in si sahlan loo ugaarsado isagoo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in ay cirib tirayaan waxgaradka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale wuxuu u digay dadka doonaya in ay iska horkeenaan qabaa’ilada daga dhamaantood degaanada Jubaland isla markana ay xiligani munaasab ahayn in Soomaaliya la kala qaad qaado qaab qabiil iyadoo xiligani laga gudbay dib u dhicii hore ee 20-tan kii sanno ee lasoo dhaafay na daashaday, “Waxaanu leenahay  fahma oo indhahana fura isku dhanna ka noqda kooxaha danaha khaaska leh, sidoo kale waxaan baaq udirayaa maamulka magaalada kismaayo inay  fadhiga ka kacaan oo ay gacan bir ah ku qabtaan kooxaha tuugaysiga kulaynaya  nabadoonada iyo caaqiliinta qabaa”ilada.”

 

Si kastaba ha ahaatee Gobolada Jubooyinka ayaa laga dareemayaa ififaalo nabadeed iyadoo ay halkaasi ka curanayaan tasiilaadka daruuriga ah oo dadka degaanka ay u baahan yihiin.

Xafiiska wararka Jaaliyada Jubaland ee South Africa.

0027734224488

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14571

Posted by on Jan 3 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented