Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Qaxootiga Soomaalida Holland ee Sharciyada lasiyey oo sharcicusub lagu soo rogay (Tolow sharcigaas Muxuuyahay !Akhri.

Dadka qaxootiga ee sharciga la siiyey ayaa waxay Nederland kusoo rogtay in laga bilaabo 01-01-2013 si ay u dhigtaan barnaamijka inburgering[Citizenship] in qofka uu isaga is abaabulo. Haddii uu iska bixin karin lacagaha ku baxaya barnaamijka barashada luqada iyo dhaqanka Nederland ee loo yaqaan inburgering in la dayminayo lacag dhan ugu badnaan 10.000 Yuuro ah. waxaa uu qofka lacagtaan ka dalban karaa hay ad la yiraa de Dienst Uitvoering Onderwijs (DUO).

Lacagta deeynta ah qofka si toos ah loo siinmaayo ee waxaa loo shubayo hay da uu qofka ka qaadanayo barashada luqada iyo dhaqanka Nederland [Inburgering]. Waxaa kaloo qofka looga baahanyahay in uu la yimaado dadaal dheeraad ah si uu ugu najaxo barashada iyo luqada Nederland. Haddii uu qofku ku guuldaraysto in uu ku najaxo imtixaanka waxaa looga baahanyahay in uu dib u bixiyo lacagta deeynta ah.

Wasiirka wasaarada arrimaha bulshada mudane: Lodewijk Asscher uu qoraal ahaan ugu gudbiyey baarlamaanka Nederlad. Wasiirka wuxuu sheegay in ay ku filantahay qofka qaxootiga ah ee aan waxna qoring waxna in uu ku qaadan karo barnaamijka barashada luqada Nederland iyo dhaqankeeda si qofka uu ula qabsado geedi socodka nolosha ee bulshada Nederland.

www.qubanaha.com

Joornaalka Soomaalida Nederland

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14561

Posted by on Jan 3 2013. Filed under Wararka, Wararka Nederland. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented