|

Caruurta yar oo lasoo ogaaday xiliga ay bilaabaan Barashada Luqada.

Carruurtu waxay bilaabaan barashada luqadda ka hor inta aanay dhalan ee ay ku jiraan uurka hooyadood, sida lagu shaaciyey daraasad cusub oo ay soo saareen khubaro ka soo kala jeeda dalka Yurub iyo Maraykanka.

Khubaradani waxay sheegeen in ilmaha yar uu bisha ugu horreysa ee dhalashiida si fiican u kala saaro hadalka dadka iyo jabaqaha kalee ka agtiisa baxaya, iyagoo sidoo kalena xusay in ubadku awood u leeyihiin inay gartaan luqadda 10ka toddobaad ugu dambeeya ee ay ku jiraan uurka hooyadood.

?Waxaannu 30 sanno ogayn inaynu luqadda ka barano waalidiinta, innaguna dhegaysanaa codka hooyadu ku hadlayso, laakiin daraasaddani waa tii ugu horraysay ee xaqiijisa in ilmuhu codka amma luqadda garto inta uu ku jiro uurka hooyadii.? Sidaa waxa yidhi Christine Moon oo ah khabiir cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Pacefic Lutheran University, hormoodna u ah kooxda daraasaddan diyaariyey.

Cilmi-baadhistan waxa si gaar ah loogu tijaabiyey wiilal iyo gabdho ifka joogay 30 saacadood oo keliya, kuwaas oo ku dhashay magaalooyinka Tacoma iyo Stockholm ee dalka Sweden, waxana la maqashiiyey afafka Swedish-ka iyo Ingiriisida, iyagoo markasta oo ay luqadahaas maqlaan jaleecayey halka hadalku uga baxo.

Codka ubadkan yaryar la maqashiiyey oo ahaa erayo si gaar ah loogu doortay cilmi-baadhistay, ayaa sidoo kale la barbardhigayey jabaqo kale oo agtooda ka baxayey, waxaanay khubaradu sheegeen in carruurtaasi markay maqlaan codka dadka ay xasillayeen, halka jabaqaha kalena cabsi lagu dareemayey.

Mr. Patricia Kuhl oo ka mid ah khubarada cilmi-baadhista soo bandhigtay, sidoo kalena madax u ah mac-hadka barashada cilmiga maskaxda Jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka, ayaa isagoo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi; ?Waxaannu u malaynaynaa oo keliya in ubadka dhasha luqadda bartaan, balse imminka waxaannu helnay in marka ilmuhu uurku jiro uu bilaabo barashada jabaqda luqadda hadalka, taasoo beenisay in barashada luqaddu tahay wax bay?adda la yimaad lagu barto.?

Waxa kaloo khubaradu waxay sheegeen inay ku guda jiraan baadhitaanka waxyaabaha sababa in ubadku caloosha luuqada ku soo bartaan.
ibraahim Khadar Saciid
ibraahimkhs@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14622

Posted by on Jan 4 2013. Filed under Arrimaha bulshada, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan