|

Dowladda Soomaaliya oo dib u so celineysa Hanti Mudo dheer Soomaalia kamaqneyd.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe dib loogu soo celinayo lacago malaayiin dollar gaarayo, guryo iyo gaadiid ay Soomaaliya leedahay oo ku xaniban dalal dibadda ah.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa socdaal ku mareyso dhowr dal  si gacanta dowladda loogu soo celiyo lacago ku xaniban bankiyo dibadda ah, guryo, safaarado, diyaarado iyo maraakiib.

Sida laga soo xigtay shabakadda Sabahi, Fowziya oo hadda booqasho ku joogta dalka Britain ayaa la filayaa inay tagto waddamada Talyaaniga iyo Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka dalban doonto in lagu soo wareejiyo lacago ay dowladda Switzerland ka heyso, maraakiib iyo diyaarado ay hayaan dalalka Jarmalka, Talyaaniga iyo Yemen, iyadoo intaas ku dartay in soo celinta hantidan ay kala kaashan doonaan la-taliyeyaal xagga sharciga ah.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa isna ugu baaqay beesha caalamka in ay kala shaqeyso dowladda sidii ay hantidaas dib ugu heli laheyd.

“Kama laba-labaynayno inaan helno lacagaha sida sharci-darrada ah loogu shubay xisaabaha bangi ee shisheeye, kuwaas oo ay ku jiraan xisaabihi bangi ee dowladihii hore iyo dhaqaalihii gargaarka [ee la xaday] labaatankii sano ee la soo dhaafay,” ayuu Suleiman u sheegay Sabahi.

“Waxaannu abaabuli-doonnaa barnaamij aan uga codsanayno dhiggeenna Soomaalida oo ay ku jiraan saraakiishii hore ee dhaqaalaha, [si loo helo] dokumentiyo dabagal u ah dhaqaalahaas.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sida lagu sheegay warbixin si qarsoodi ah oo Qaramada Midoobay laga helay bishii July ee sanadkii hore, xilligii dowladdii Federaal-ka KMG ahayd, waxaa si aan sax ahayn loo maamulay dhaqaalaha bulshada, iyadoo 70 boqolkiiba dhaqaalaha lagu lunsaday si musuq ah, xatooyo iyo lumin. Lacagtan qaarkeed waxaa loo malaynayaa in loo diray dibadda.

Xigasho:Bar-kulan.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14613

Posted by on Jan 4 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan