Gudoomiyihii Ciyaraaha Degmada Bardaale oo ladilay.
Kooxo hubaysan ayaa Maanta waxa ay dil ugu geesteen Magaalada Bardaale Gudoomiyihii Xiriirka Kubada Cagta ee Magaaladaasi Bardaale ee Gobolka Baay.
Waxaana Wararku ay tilmaamayaan in Mas’uulka la dilay ay Dileen Dhalinyaro ku Hubaysnaa Bastoolado xili uu ku sugnaa bartamaha Magaaladaasi.
Max’ed Shamoow ayaa lagu magacaabi jiray marxuumkan geeriyooday ee isagu ahaa Gudoomiyihii Xiriirka Kubada cagta Bardaale iyadoona ay ka xumaadeen dilkiisa dad aad u farabadan.
Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Cambaareeyay Dilka loo gaystay Gudoomiyihii xiriirka kubada cagta Bardaale Max’ed Shaamoow.
Xigasho :KN
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14609