ibrahim
|

Muuxuu Barlamanka Soomaaliya kashiray ?(AKhri)

Kalfadhiga koowaad ee kulanki 45aad oo ay mudaneyaasha Baarlamanka maanta kuyeesheen xarunta golaha shacabka oo ay soo xaadireen 170 Xildhibaan uuna shir guddoominayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka dalka Jeeylaani Nuur Iikar waxa uuna ahaa ajandaha Doorashada Gudoomiyeyaasha, kuxigeenadooda iyo xubnaha kale ee gudiyada Baarlamanka.

Furitaanka shir gudoonka kadibna waxaa la galay doorashada gudoomiyeyaasha iyo xubnaha kale ee gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka gudi Walbana waxa uu iska soo dhex saaray gudoomiye. Kuxigeen iyo xoghaye.

Gudiyada ilaa iyo iminka ku guuleystay in ay is doortaan ayaa waxa ay kala yihiin, gudiga beeraha hormarinta reer miyiga xoolaha iyo kheyraadka Badda, gudiga xaquuqul insaanka haweenka iyo arrimaha bini’aadannimada, gudiga wacyigalinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta, gudiga Dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha, gudiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada iyo gudiga difaaca.

Waxaaana saxaafada la hadlay qaar ka mid ah gudoomiyeyaash gudiyadaasi la magacabay, gudoomiyaha gudiga xaquuqul insanka, haweenka iyo Arrimaha binn’aadanimada khadiijo Maxamed Diiriye ayaa saxaafadda uga warbixisay qaabka ay u dhacday doorashada iyadoona sheegtay in Maanta ay bilaabatay doorashada waxaana gudiga ay ka koobanyihiin 15 gudi kuwaas oo gudi waliba ay iska soo dhaxdooran doonaan Guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaan.s

Sidoo kale waxaa isaguna warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gudiga difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise waxa uunatilmaamay in uu aad Ugu faraxsanyahay in uu yahay guddoomiyaha gudiga difaaca dalka taas oo uu horay uga soo shaqeeyay, isagoona intaasi raaciyay in uu ka Shaqeyn doono hormarka ciidamada dalka.

C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “baqdadi” oo isaguna gudoomiye looga dhigay gudiga xeer hoosaadka anshaxa xasaanada iyo daryeelka Xildhibanada ayaaa tilmaamay in qorshiisa ugu horeeya uu yahay xaquuqda xildhibaanada.

Dooroshada gudoomiyehaasha kuxigeenadoo iyo xubnaha kale ee gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa ila iyo iminka socda waxaana Harsan ila sagaal gudi iyadoo shir gudoonka Baarlamaankana uu sheegay in maanta ah lasoo gaba gabeyn doono doorashada gudiyada.

Dhinaca kale kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa lagu dhaariyay wasiiru dowlaha xarunta madaxtooyada Qaranka Faarax C/qaadir waxaana Goobta ku dhaariyay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14660

Posted by on Jan 5 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan