Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Aabayshii wiilashooda geerida isu badashay xiliyada colaadaha iyo nabada Faalo.

Waa murti aan horey loo aqoon amaba aan jirin, waqtigii  aan bilaabeynay dagaalada iyo fowdada,ama buula xuuftada iyo bowdya qaawiska, balse waaya aragnimo laga dhaxlay dabadeed la bartay, bal si loogu baadi goobo xasiloonidii  aan waa hore xargaha u jarnay, waana jumlad macna weyn xambaarsan oo anfac u leh  sida Soomaalida oo kale dadyowga  ay colaaduhu ku raageen,loona baahan yahay in kalmadahani ay  u noqdaan halku dhigyo ay  ku baadi goobaan nabadda,

Bari samaadkii Soomaaliya inkastoo wadka loo simanaa,hadana waxaa la maqli jiray geeri da’ gaartay, sida Awoowe iyo Ayeeyo miyi ama tuulo  ku go’ay,oo ay talo wada jir ah ku aaseen Casabadoodu,ama Aabe iyo Hooyo iyo waalid kaloo kadiso iyo xanuun yar dabadii ku geeriyooda xaafad si weyn looga wada yaqaan oo maalmo loo murugoodo,waxa ayna dariska iyo xigtadu ahaayeen kuwa si dhab ah  isku garab taaga qoyska geeridu gashay,loomana kala hari jirin aaska iyo qurbaankaba,waxaana si weyn uga dhex muuqan jiray halkaa ubadka ay ka tageen intooda tabar galka ah,mana daboolayo in sidoo kale da’yartana  uu mowdku ka adeegi jiray,waase laga saameyn badnaa xiligaa,

Dhanka kale,waa marag ma doonto in waqtiyadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalkeena, jiilka sida weyn ugu hoobtay ay ahaayeen wiilasha,welina ay yihiin, Aabayaashuna ay u taagnaayeen hadiiba ay haleelaan sida ey u aasan lahaayeen,iyadoo ay u dheer tahay in wiilashoodu ay u dagaalamayaan  Qabiil, Hogaamiye, ama koox aan fasax  ka heysan Aabaha dhalay, mar hadii ay Aabayaasha   gacantooda ka baxday awoodii ay ku xukumi jireen caruurtoodana, waxa ay sanadihii la soo dhaafay ahaayeen kuwa u toog hayay shar iyo kheyrba waxii ka soo yeera dhanka wiilashooda,

Waxaan ahay Aabe ku waayay dagaaladii sokeeye 6 wiil oo qaangaar ah, 7 sano gudahood ayaana mid waliba maalin gaara la ii soo sheegay geeridiisa,ma jirin mid xanuun iyo dharag u dhintay ee waxa ay sababsadeen rasaas ka soo dhacday wiilal kale oo ka soo horjeeda, 4 ka mid ah gacanteydaan ku aasay balse 2-da kale waxa ay ku go,een meel iga fog iyagoo dagaal ku jira,nasiibna uma aanan yeelan hadaan nolosha ku waayay inaan wax ka aaso meydkooda,sidaa waxaa si qunyar iigu sheegay Aabe ay colaaduhu garbaha ka rifeen,waana tan igu dhalisay inaan qoro sheekadaan,

Ma aha Aabahaa oo qura ee waxaa jira Aabayaal badan oo waqtiyada colaaduhu socdaan soo aasay ama aasi doona wiilashooda,hadii aan la joojin dirirta, weyna  dhacday marar badan in  Aabe  gaari gacan loogu keenay meydka wiil uu dhalay oo xubno ka maqan yihiin,marka uu xaqiiqsaday geeridiisana loo raaciyay in intii kale uu  madfac la tagay,

kuwaa maqal mooyee aan nasiib u yeelan Raq iyo Ruux halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda,laguna soo wargaliyay in ay dad ugu war danbeysay markiiciidankii ay la socdeen ay ku soo jabeen  dagaalkii ay ku jireen,kuwa kalaa qarsan jiray walwalka ay qabaan,  marka uu guriga ugu  yimaado wiilkooda oo qori garaarsan, maadaama aaneey ka dhigi karina, taa badalkeeda ula dhaqmi jiray sida ruux caadiya,iyaga maanka ku haya in mar ay ahaataba lagu dili doono ama uu wax ku dili doono,

Lagu soo koobi karo qalin, calool xumadda colaaduhu badaan waalidiinta,bal u fiirso maxaan u soo joognay Aabe si nabada caruurtiisa kula hurda oo madfac lagu miray, dabadeedna natiijada lagu waabariistay ay noqotay in uu halkaa ku waayo nus darsin caruura iyo hooyadood,saacado dabadeedna xabaalo qura  ku  aasay, iyadoo aaney jirin  damqasho la mid ah tii hore oo uu ka helay dariskiisa iyo xigtadiisa,

Waan ogahay in Hooyada Soomaaliyeed iyana dhankeeda ay dagaalada dalka ka soconayay  ku weyday Curadkeeda iyo yaraankeedaba,kuwa badana ay si wadara u aaseen ubadkeeda,bale waxaan garowsaday in  aan murugadooda loo cabiri Karin qalin sida Aabaha oo kale oo ay ka dareen fog yihiin,si taa la mid ah lama xaqiri karo in Gabdha badan ay ku waayeen naftooda wixii dalka ka socday iyagoo aan dagaalameen, ama loo waxyeeleeyay dumarnimadooda,

Hadaanse u soo laabtu dulucda qoraalkeyga oo aheyd Aabaha iyo wiilka uu dhalay sida ay geerida isku kaalmeeyaan waqtiyada lagu guda jiro nabadda iyo colaadaha,soona qaadanaya murtidii aheyd, {WAQTIGA COLAADA AABAYAASHU WAXA AY AASAAN WIILASHOODA,WAQTIGA NABADANA WIILASHU WAXAY AASAAN AABAYAASHOOD} oo ah xikmad mug weyn,

waxaan Soomaalida oran lahaa nagu filan wixii la soo maray, aan u gudubno marxalad kale oo ka duwan xirfadihii dagaalada, lana soo baxno  xafiiltan dhab ah si aan uga daba tagno bulshada asaageen ah ee cirka kala xadeysanaya,waana hubanti hadii  aan u soo wada jeesano ka shaqeynta nabadda, in aan wadadaa cagta saari karno, bulshadeenuna ay gaari doonto hurumar iyo barwaaqo,dabadeedna ay Aabayaasha Soomaaliyeed  marka ayajashoodu  timaado  rajeyn doonaan in ay wiilashoodu si maamuus leh u aasaan,halkii ay xiliyadda colaadaha u taagnaayeen aasidda Wiilashooda,

= DH A M A A D=

C\qaadir Max’ed Faarax, [dulyar]   dulyar23@Gmail.com  Muqdisho\Soomaaliya.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14730

Posted by on Jan 6 2013. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented