ibrahim
|

Qabiirka bulisiyoonistaha kooxda Juventus Pirlo oo ugu baaqay Lampard in uu kula soo biiro Juventus( By Liida)

Ciyaaryahankan u dhashay wadan talyaaniga una ciyaara kooxda kubada cagta Juventus ayaa baaq u Diray ciyaaryahan Lampard in uu kula soo biiro kooxda Juventus oo uu hada jakatoore uu ka yahay Ciyaaryahan Pirlo.

HJ

Lampard ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Chelsea uu ku ekyahay xili ciyaaredkan inta ka harsan Asagoona ilaa haatan meel uu saarneyn Mustaqbalka ciyaaryahan Lampard, inkastoo Lampard uu Haatan yahay ciyaaryahan wax weyn u qabta kooxda Chelsea ayaa haatan na Chelsea Xeerka u yaal oo Ah in ciyaaryahankii 30 kor u dhaafa in loogu dari doono 1 sano kadibna uu iska tagi doono, taana waa Arinka muranka geliyay Mustaqbalka ciyaaryahan Lampard.

Lampard ayaa lala xiriirinayay kooxo badan, kooxahaas ayaa ka mid ah kooxda Manchester united , inter Milan, Lazio,  Juventus iyo kooxda Everton.

Pirlo ayaa Lampard ku yiri hadii aad juventus imaato waxaad heli kartaa ilaa 4 sano oo aad sii ciyaari Doontid taa oo cadeyneesa in Lampard uu Weli yahay ciyaaryahankii Champions League usoo qaaday Kooxda Chelsea inkasoo Chelsea ay horay u dirtay ciyaaryahan Drogba oo ahaa Dadaalihii madaalaaga Ahaa ee ka dhex muuqan jiray kooxda Chelsea, haatan Drogba waxuu ku sugan yahay kooxda ka Dhisan wadanka China.

Hadaba waxaa la eegi doonaa halka uu ku danbeyn doona mustaqbalka ciyaaryahan Lampard oo Beryahanba la hadal haaya halka uu u hayaami Lahaa iyo hadii kooxdiisa Chelsea uu sii  joogi doono.

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=14958

Posted by on Jan 9 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan