Howshii goglidda cowska Stadium Banadir oo la dhameystiray
Gabagabada dhigista cowska artifishalka ee garoonka stadium Banadir ayaa waxaa ay astaan u tahay in uu soo dhamaaday wajigii hore ee dhismaha garoonka, sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacdiid Carab oo maanta war saxaafadeed arrintaa ku aadan kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho
War saxaafadeedka xoghayah guud waxaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad ugu mahad celinayo sidoo kale shirkada Green Fields oo iyaduna barnaamijkan soo bilowday waqti adag.
“Waxaa ay Greenfields noo sii dirtay Injineer khabiir ah oo bixiyay dadaal badan si uu u xqiijiyo dhameystirka howshan quruxda badan muddo 6 todobaad ah oo uu nala joogay magaalada Muqdisho—Waxaan amaan gaar ahaaneed usoo jeedineynaa Mr. Lex vander oo naftiisa usoo huray in uu shaqadan u qabto Soomaaliya xilligan adag”ayuu xoghayah aguud ku yiri war saxaafadeedkiisa maanta, isagoo intaa raaciyay in xiriirka Soomaaliyeed iyo dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliya ay aad u amaanayaan khabiirkan kuna qanacsan yihiin shaqada uu qabtay.
“Waxaan rajeyneynaa in Mr.Lex Vander uu mar kale kusoo laaban doono Soomaaliya si uu shaqdan oo kale uga qabto garoonka weyn ee Stadium Mogadishu oo uu dhawaana qiimeyn ku sameeyay shaqada uu u baahan yahay inta ay la egtahay”ayuu xoghayaha guud sii raaciyay hadalkiisa.
Waxaa uu sheegay xoghayuhu in xiriirka Soomaaliyeed uu hada ku faraxsan yahay in wajiga hore ee shaqada dhismaha uu soo dhamaaday ayna ka sugayaan FIFA iyo Green Fields in ay si dhaqso ah u bilaabaan qeybaha ka haray dhismaha garoonka.
“Hada waxaan heysana agaroonkeena oo ku qaabeysan cows-ka artifishalka oo aadna u qrux badan, laakin garoonku wax cayaar ah hada ma marti gelin karo iyadoo sababtuna ay tahay qeybo kale oo muhiim ah oo aan wali la dhisin sida musqulaha, qeybta VIP-da , qolalkii cayaartoydu ku labisan lahaayeen iyo dayactirka fadhiga caadiga ah ee dadweynaha—markaas ayuu garoonku cayaar marti gelin karaa waana ka sugeynaa FIFA iyo Greenfields in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameystiraan qeybaha haray wayna balan qaadeen”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Waxaa uu sheegay in horyaallada kubada cagta Soomaaliya ay bilaaban doonaan bisha April ee sanadkan xiligaas ka horna ay rajeynayaan in FIFA iyo Greenfields ay dhameystiraan qeybaha dhismaha ka haray,
“Shirkada heysata qandaraaska dhismaha ee gudaha ee EMECO awood ayay u leedahay in ay qabato qeybaha dhismaha ka haray waxaana mar kale ka codsanaynaa FIFA iyo Greenfields in ay usoo dadajiyaan waxyaabaha ay u baahan tahay si ay u dhameystirto dhismaha inta ka harsan”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka kubada cgata Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed arrinta garoonka ku aadan soo saaray maanta.
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15082



