|

Manchester United Oo 2-1 uga Badisay Booxda Liverpool.+Sawiro

article-2261379-16E92AC1000005DC-803_634x668Kooxda kubada cagta Manchester United ayaa kordhisay dhibcaha hogaanka ay ku heyso horyaalka ingiriiska markii ay 2-1 uga badisay kooxda Liverpool

ciyaar ka dhacday  Old Trafford taasoo wax yar ka hor soo gabagabowda.Robin Van Persie ayaa bilaabay bandhiga goolasha Manchester United markii uu daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay hogaamiyayaasha horyaalka Man United oo gurigooda marti loogu ahaa.

Liverpool ayaa sameysay isku dayo ay ku barbareyneyso Man United balse uma suura galin ilaa uu goalka labaad oo uu madaxa kusoo laaday Evra isla markaana kusii dhacday NImanja Vidic kadibna goal noqotay taasoo loo qoray Vidic daqiiqadii 54-aad.Liverpool ayaa heshay goal niyad dhis ah markii wiilkooda cusub ee Daniel Sturridge kaas oo qeybtii dambe badal kusoo galay uu u dhaliyay goalkiisii ugu horeeyay taasoo Liverpool rajo weyn u yeeshay.Liverpool ayaa cadaadis badan saarta United ilaa dhamaadka ciyaarta inkastoo Suarez iyo Sturridge ay iska qasaariyeen kubado Qatar ah.article-2261379-16E92A3C000005DC-468_634x286Ugu dambeyntii Man United ayaa 2-1 ku adkaatay waxaana guushaan ay United uga dhigan tahay iney kordhisay dhibcaha ay ku heyso hogaanka waana 10-dhibcood.Manchester City ayaa goor dhaw la ciyaari doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan horyaalka England kaas oo ka dhici doona Emirates.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15190

Posted by on Jan 13 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented