Usoo qaata Miisaska Iskoolkiinna (Ogow tani dunida ayay ka dhacdaa!!) + Sawirro
Waxbarashadu waxay ka mid tahay arrimaha aasaasiga u ah nolasha aadmiga, iyadoo la’aanteed ay tahay horumar la’aan shakhsiyadeed, mid qaran ama mid qaaradeed, tiiyoo ay inoo iftiiminayso muhiimada waxbarashada halkudhega Soomaaliyeed ee ah “Aqoon la’aani waa Iftiin La’aan”.
In ummadu dhexda u xirato hannaan waxbarasho waa lama huraan duruuf kasta iyo xaalad kasta oo la soo gudboonaata maadama ay ku xiran tahay gaarista nolol maqaam sare leh.
Dalka Shiinaha waa dalka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan adduunka, waxaana lagu tilmaamaa inay ku nool yihiin 20% dadka dunida ku nool ama mid ka mid ah shantii qof ee dunida guudkeeda saaran.
Kororkaasi bulsho kama reebin Shiinaha inuu ku talaabsado horumar uu ku hiigsado sidii loo maareyn lahaa nolasha dadkaasi faraha badan ee u baahan in la jiheeyo hadii kale iyagu isku jeesan lahaa, waana midda keentay in dadka wadankaasi ay Waxbarashada & tacabka nolasha ay ka dhigaan yoolkooda koowaad.
Inkastoo hamigaasi jiro hadana waxaa hareer socota duruufaha qalafsan ee dadka wadankaasi badankood haysta, tusaale ahaan tuulada Shunhe ee hoostagta magaalada Macheng ee gobolka Hubei waalidiinta ku dhaqan waxaa lagu wargaliyey 1-dii bishii September ee sanadkii hore in ilmahooda waxbarashada sanad dugsiyeedka bilaaamaya ay horey u soo qaataan miisaskii iyo kuraastii ay wax ku baran lahaayeen.
Subaxnimadii ugu horeysay sanad dugsiyeedka waxaa deegaankaasi oo dhan arooryadii lagu soo wada toosay waalidiin iyo ilmo ay dhaleen oo dhabarka iyo madaxa ku dadaaminaya Miisas iyo kuraas si ay u geyaan goobaha waxbarashada.
Tani waxay ka dambeysay kaddib markii Saddex kun oo arday ah oo ku nool Magaaladaasi ay ka qadeen tabaruc ay dawlada Shiinuhu ugu deeqday dadka deegaankaasi iyadoo u qaybisay labo kun oo Miisaska Waxbarashada, waxayna arrintaasi keentay in 3-dii kun ee Arday ahaa ee Miisaska aan helin ay waalidkood dhabarka iyo madaxa ku soo qaadaan Miisas ilaa ay ka keenaan goobta Waxbarashada.
Arrintan waxay muujinaysaa sida waalidinta deegaankaasi ku dhaqan ay uga go’an tahay in ay ilmahooda u helaan hannaan Waxbarasho si aanu hadhow u noqon qof natiisa dayacan tahay oo aan jid iyo jido midna haysan, nolashana ku khasaara.
Daawo Sawirrada
By: Maxamed-Khadar Isxaaq
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15182



