|

Wabiga Shabelle Oo Fatahaadyo Ka Geystay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Shabelaha Dhexe.

Wabiga Shabelle3Wararka naga soo gaaraya dhanka Gobalka Sh/dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in sacadihii ugu danbeeyay Wabiga Shabelle uu fatahaadyo ka geystay deegaano ka tirsan Gobalkaasi,iyadoona dhanka kale fatahaada Wabiga uu geystay ay ka hadleen madaxda maamulka Sh/dhaxe.

Wabiga ShabelleWabiga Shabelle ee fatahaada ka geystay deegaanada Gobalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu qasaaro kala duwan geystay oo ay ka midka yihiin in Dalagii beeraha uu baba’ay,Guriyaha qaar ee dadka deganaayeen oo sidoo kale dhulka biyaha ay ku dareen.

Deegaanada saameynta uga badan u geystay fatahaada Wabiga Shabelle ayaa waxaa ka mid ah deegaano hoostaga Magaalada Balcad ee Gobalkaasi,waxaana ka mid ah Xawaadley iyo kuwo kale oo badan,hase ahaatee maamulka Dowlada Soomaaliya ee degmada Balcad ayaa arintaasi ka hadley.

Wabiga Shabelle2Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Dowlada Soomaaliya Cusmaan Maxamed oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay in dhibaato xoogan ay soo wajahdey shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada Gobalka,kadib markii sida uu sheegay aad u sameeyey fatahaada Wabiga Shabelle.

Wabiga Shabelle4Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka codsadey Hay’adaha gar gaarka bixiya iney si deg deg ah wax ula soo gaaraan dadka shacabka ah ee saameysey Fatahaada Wabiga Shabelle,kuwaas oo uu sheegay in aan heysan Hoy iyo Nolashooda oo cariiri gashey.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15162

Posted by on Jan 13 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

*

Recently Commented