ibrahim
|

Al-shabaab oo shegtay in ay sii ogaayeen werar kii Faransiiska.

Gurmadka-AlshababSarkaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo ku sugan magaalada Buulo Mareer ee Sh/hoose ayaa sheegay inay ka war qabeen weerar kaga imaanaya dhanka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Faransiiska.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Sh,Max’ed Ibraahin oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee AFP asaoo ku sugan magaalada Buulo Mareer inay u diyaar garoobaan weerarka ciidamada Faransiiska oo ay waliba hayeen xogta ku saabsan in weerar ku wajahanyahay.

“Alle ayaan uga mahadnaqaynaa waxa Faransiiska comaandooskooda ku dhacay annagu waan ogeyn inay nasoo weerarayaan wana u diyaarsaneyn weerarkooda” ayuu yiri sarkaalka Shabab ka tirsan Sh, Max’ed Ibraahin la yiraahdo ee Wakaladda AFP la hadlay.

Sh, Max’ed waxaa uu diiday sida ay ugu suurto gashay inay ku ogaadaan in Faransiisku weerar ku yahay hase ahaatee waxaa uu tilmaamay inay jireen warar ay sirdoonka Shababku helayeen.

Dawlada Faransiisku waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay fuliyeen 50 askari oo si gaar ah u tababaran oo watay 5 diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah.

Sidoo kale warar dheeraad ah ay kasoo baxaya  khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii habeen ka hor magaaladaasi ka dhaca waxaana wararku ay sheegayaan in 8 ruuxoo rayid ah ay ku naf waayeen.

Dad Buulo Mareer jooga ayaa sheegay   warbaahinta dalka Faransiiska kasoo baxda in 8 ruux ee geeriyootay ay 4 ka mid ah oo  Sadexi hal qoys ahaayeen  ku naf waayeen duleedka magaalada xilligii ay ciidamada Faransiisku diyaaradaha ka dagayeen halka 4 kale ay haleeshay rasaastii la is weydaarsaday.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira haween iyo caruur sida dadka magaaladu sheegeen.

Faransiisku sooma uusan  hadal qaadin khasaaro dad rayid ah hase ahaatee waxay sheegtay inay Al-Shabab ka dileen 17 dagaalame.

 

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15198

Posted by on Jan 14 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan