ibrahim
|

Filim ay iska kaashadeen iskaashato cadaan Nederlandees oo ka danqaday dhibka lagu hayo Soomaalida qaxootiga ah + Daawo.

Qaxootiga-Soomaalida-ee-Holland[JSN] Filim ay iska kaashadeen dad iskaashato Nederlandees cadaan ah oo ka danqaday dhibaatada ay ku hayso Nederland qaxootiga Soomalida iyo Soomaalida ay Nederland sharciga u diiday ayaa wada sameeyey filim ay ku tibaaxayaan in ay Soomaaliya nabad ahayn.

Fuilimkaan yar oo gaaban waxaa lagu soo bandhigay dhibaatada sugayso Soomaalida la diiday araajidooda qaxootinimo haddii lagu celiya  Soomaalya xaqiiqda ay la kulmi karaan oo sugaysa. Xoghayada nabadgelyada iyo cadaalada Nederland mudane Fred Teevens ayaa bishii diseembar 2012 ee sannadkii tagay la yimid war uu kaga been abuurtay in ay Soomaaliya nabad tahay laakiin warkiisa uu isburinayo maadaama sida ay qoreen ururada caalamiga ah sida Human rights watch iyo kuwa kale sida wasaarada arrimaha dibada ee Nederland ay weli aaminsantahay in Soomaaliya nabad ahayn muwaadhiniinteedana kala taliso in ayan isku tagin Soomaaliya qaasatan koonfurta Soomaaliya.

Filimkaan ayaa lagu dhigay aqalka labaad ee baarlamaanka Nederland hortiisa ee loo yaqaan tweede kamer. Fred Teevens wuxuu xitaa ka been abuurtay wariyayaal Nederlandees ah oo uu si khalad ah u tarjumay in Soomaaliya waxoogaa isbedel iyo yididiilo isbedel siyaasadeed yimid laakiin Soomaaliya ay wali nabad ahayn oo ay joogaan ciidamo ka socda midowga Afrika ee AMISOM oo wali ilaaliya dowlada iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya la’aantoodna nabadi jirin.

Soomaaliya malaha wali ciidan iyada u gaar ah oo la isku halayn karo marka laga reebo ciidamo beelood dharka dowlada loo geliyey iyo kuwa dariiqo diimeed oo iyagana ka sii daran.  Hay adaha dowlada wali si rasmi ah uma shaqeeyaan.

Isbedelka siyaasadeed oo yimid dhawaan, waa mid abuuraya rajo la is leeyahay nabad ayaa ku imaan karta laakiin wali waxqabad rasmi ah ma jiro iyo hay ada dowladeed oo shaqeeya lama haayo.

Nederland way ogtahay in Soomaaliya wali nabad ahayn, laakiin isbedelka siyaaso iyo kan dhaqaale ee ka jira Nederland ayaan abuuraya in soogalootiga qaxootiga lagu adkeeyo in ay kusoo qulqulaan oo soo buux dhaafiyaan Nederland oo ay la soo daristay dhibaato dhaqaale [Crisi] iyo shaqo la’aan baahday oo ay dad badan ka dayriyeen. 

[JSN]

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15207

Posted by on Jan 14 2013. Filed under Wararka, Wararka Nederland. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan