ibrahim
|

Maraykanka oo sheegay in uu taageero xadidan u fidiyey Faransiiska howlgalkoodii samatabixinta Buulo Mareer

Isniin 14-Janaayo-2013 [JSN] Madaxweynaha Maraykanka Baraak Xuseyn Obaama ayaa ku sheegay waraaq uu u diray kongareeska Maraykanka shalay oo axad ahayd in Maraykanka ciidamadiisa taageero kooban ka geysteen isku daygii samatabixinta jaajuuskii Faransiiska ahaa ee Denis Allex oo ay ciidamada Faransiiska ay ku guuldaraysteen ay soo samatabixiyaan.

Baraak Xuseyn Obaama


Faransiiska ayaa ku guuldaraystay in uu soo furto Denis Allex oo lagu haystay gudaha Soomaaliya ilaa sannadkii  2009. Denis wuxuu ahaa jaajuus Faransiis ah oo ka howlgala gudaha Soomaaliya ayna qabteen Xarrakada Al Shabaab.

 

Obaama ayaa sheegay in ayan weerarka ka qaybqaadan laakiin ay u fidiyeen taageero xadidan ciidamada kumandooska ahaa ee Faransiiska ee qorshohoodu ahaa in ay soo samatabixiyaan Denis Allex. Illaa iyo hadda lama oga qaabka ay wax u dhaceen laakiin sida laga dareemi karo warkii uu soo saaray Faransiiska ayaad waxaad ka dareemi kartaa in guuldaro weeyn ka soo gaartay howlgalkaan.

Faransiiska wuxuu galiyey ciidamadiisa gudaha iyo dibada heygan deg deg ah  sida ay ku shaaciyeen saxaafada Faransiiska iyo adduunka intiisa kale iyadoo hadda la arkayo ciidamo biliis ah kuwa militeri ah oo jooga dhaamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada Baariis ee Faransiiska.

Denis Allex


Wasaarada gaashaandhiga ee Faransiiska ayaa sheegtay in Denis Allex ku dhintay howlgalkii lagu samatabixin lahaa ayna dileen Xarrrakada Al Shabaab. Laakiin Al Shabaab ay sheegee in Denis Allex noolyahay oo uu gacantooda ku jiro ayna hayaan askari kale oo Faransiis ah oo dhaawac ka soo gaaray weerarkii ay soo qaadeen ciidamada Faransiiska. waa sida ay sheegeen Al Shabaab.

Weerarka Faransiiska iyo Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay dad rayid ah inta hadda la ogyahay gaarayo ilaa sideed qofood iyo 17 ka tirsan Al Shabaab sida ay sheegeen dadka degaanka degan oo aad uga caraysnaa, laakii illaa iyo hadda cid ka tirsan dowlada Soomaaliya oo wax ka tiri lama hayo. Dowlada Faransiiskana kama bixin raaligelin dadka rayidka ah ee ay ku dishay howlgalkeeda iyo xadgudubka ay ku sameeyeen soo galitaanka iyagoo aan cidna kala tashan hawada Soomaaliya oo aan cidna waxba ka dhihin iyo dilka shicib maati ah oo aan waxba galabsan.

Dowlada Faransiiska wax raaligelin ah kama bixin dilka dadka rayidka ah iyo ku xadgudubka idin la’aanta gudaha Soomaaliya ee dhulka iyo cirka sidoo kale dowlada Maraykanka oo sheegtay in ay ka geysatay taageero xadidan ayaan la ogayn inta ay la ekeyd balse u muuqato mid la isla ogaa maadaama Faransiiska Soomaaliya dhawaan siiyey mucaawimo dhaqaale taasoo u muuqata in ay ahayd mid lagu wargeliyey dowlada Soomaaliya.

Waa yaabnee ma yaabteen ?

Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay Howlgalkii Buulo Mareer iyo golaha wasiirada oo kulan deg deg ah ka yeeshay


Dowladda Soomaaliyana ay cambaareyneyso waxa ayna sidoo kale xubnaha golaha Wasiirada Katacsiyeeyeen dadkii Soomaaliyeed ee Ku geeriyooday duqeyntaasi Iyo Dadka Dowladda Faransa uga geeriyooday weerarki Buula Mareer.


Isha: http://radiomuqdisho.net/dowlada-soomaaliya-oo-cambaareysay-howlgalkii-buulo-mareer-iyo-golaha-wasiirada-oo-kulan-deg-deg-ah-ka-yeeshay/#comment-172250


Gorfayn :  Qayaano Qaran

Waxaa iga yaabiyey Faransiis kalama tashan dowlada Soomaaliya mana wargelin ku xadgudubka dhulka Soomaaliya iyo hawadeeda hadana waan u tacsiyeynaynaa kaaf iyo kala dheeri. dadkii rayidka ahaa ee la dilay dowlada Faransiiska kama tacsiyeyn raalligelin kama bixin. Maraykana warkiis daa.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]

Haddii aad su’aal(o) ka qabto qormadaan fadlan noogu soo gudbi halkaan

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15214

Posted by on Jan 14 2013. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan