ibrahim
|

Ronaldo oo daaqada ka saaray shakigii ahaa in uu iskaga tagi doono Real Madrid(By Liida)

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa si cad u sheegay in uusan ka tagi doon in kooxdiisa uu haatan ku sugan yahay ee Real Madrid inkastoo ay jireen warar sheegaya in uu isaga tagi doono kooxda Real Madrid uuna ku biiri doono kooxdiisii hore ee Manchester United.

 

Ronaldo ayaa horay dalab ka helay kooxo badan oo ka kala dhisan wadamo kala duwan kooxaha soo dalbaday ayaa ka mid kooxda PSG oo iyada Ku dooneesay lacago badan inkastoo kooxda Manchester united iyana ay ka mid aheyd kooxihii raadinayay ciyaaryahan Ronaldo.

Ronaldo ayaa sheegay in uu la joogi doono kooxda Real Madrid ilaa 2015 inta ka harsan heshiiskiisa uu kula joogo kooxda Real Madrid kadibna Waxaan eegi doonaa sida uu noqon karo mustaqbalkeyga ciyaared ayuu yiri.

Inkastoo hadalkan kasoo yeeray Ronaldo uu niyad jab ku yahay kooxo badan ay ka mid tahay kooxda Manchester united iyo kooxda PSG iyo Kooxo kale oo ka wada dhisan daafadaha aduunyada.

Ronaldo ayaa yiri”waxaan jeclaan lahaa in Madrid gacanta aan u gelino koobkedii 10 aad inkastoo Man Utd ay nagu aadan tahay 13 Feb waxaan Jeclaan laheyn in aan kasoo badino kooxda Man Utd”

Si kastaba ha ahaatee waxaa qalbi jab ku yimid kooxihii haminayay lasoo wareegista ciyaaryahan Ronaldo oo haatan xaqiijiyay in uu lasii joogi Doono kooxda Real Madrid.

Fetah Ali(Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15220

Posted by on Jan 14 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan