Ogeysiis-FSAN-GGDibrahim
|

Khaad gaarayo 650 Kiilo oo lagu qabtay Gegida diyaaradaha Amsterdam ee Nederland

Khamiis 2013-01-17 Booliis gaarka ah ee loo yaqaan Marcheuse  ee Nederland ayaa qabtay 650 kg oo jaad lagu soo qariyey boorsooyin todobaadkii la soo dhaafay iyadoo jaadka laga joojiyey Nederland.

Jaadkan ayaa waxay sheegeen biliiska in lagu soo qariyey boorsooyin kala gedisan ka dibna ay u suurogashay in ay helaan iyadoo si gaar ah ay u baarayeen ogaayeen muqalisiinta jaadka si uu in ay isugu dayi doonaan in ay macaamiishooda degan Nederland ay ula gaari lahaayeen jaadka oo laga mamnuucay Nederland dhawaan.

05-Janaayo-2013 ayaa si rasmi ah looga mamnuucay jaadka wadanka Nederland oo horay u ahaa xarun laga soo dajiyo jaadka dibna loogu sii kala diro wadamada Yuruh inteeda kale oo ay ka mid ahaayeen Jarmalka, Iskandaneefiyaanka{Finland,Iswiidhan Norway iyo Denmark].

Biliiska ayaa sheegay in ay qabteen shan qofood oo loo malaynayo in ay ka danbeeyeen qaadkan sida kontorobaanka ah oo kala ah la rabay in loo soo galiyo Nederland.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland [JSN]

haddii aad su’aal qabto la xiriirta qormadaan fadlan nagala soo xiriir halkaan

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15427

Posted by on Jan 18 2013. Filed under Arrimaha bulshada, Wararka, Wararka Nederland. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented