ibrahim
|

LUUQAD DALKEEDII KU DAYACAN((Qalinkii Maxamed Xaaji)

NationalMarka laga hadlayo jiritaanka dhaqan ay bulsho yeelan karto waxaa ugu horreeysa ee muhimka ihi waa luuqadda oo ah baaq-sidaha iyo dhaqan-sidaha umad kasti leedahay, hadii aad tusaale dheeri ah jeclaan lahayd eeg dalalka maanta ku hadla luuqadaha ay ka dhexaleen gumeysiga oo maanta baaba’ dhaqan iyo mid taariikheedba taagan.

 Maqaalkan waxaan jeclaan lahaa inaan ku iftiimiyo waxyaabo loo laalaabtay oo aniga iyo intii ila mid ihi ay u arkaan talo xumo meel kaga dhacaysa AFKA HOOYO ee Soomaaliga ah oo aad mooddo inay halis ku hayaan luuqado badan oo ay Soomaalidu qurbaha kala soo noqotay, iyadoo haatan boorarka xitaa Af Ingiriisi lagu qoro.

 Taasise waxay ahayd mid ka imanaysay shacabka oo had iyo jeer hoga tusaalayn iyo baraarujin uga fadhiya dowladooda, balse nasiibdarro markii ay dowladii soo noqotay ayay sheekadii u ekaatay ‘Ka daroo dibi dhal’ marka mowduucan la eego.

 Dowladda Soomaaliya oo haatan u muuqata mid si rasmi ah u caga dhiganaysa ayay ka muuqataa inaysan ilaa haatan sameeynin dhaqaaq ku aadan badbaadinta, boor ka jafidda iyo dib u barbaarinta afka hooyo balse mararka qaar waxaadba mooddaa inayba bad kusiii rideeyso, waxaa laga yaabaa inaad is waydiiso sababta aan sidaa u leeyahay.

 Anigaa kuu hayee, marka hore waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in waraaqaha kasoo baxa dowladda (oo ay xitaa kujiraan kuwa loogu tala galay warbaahinta Soomaaliyeed) in badan oo ka mid ah oo Af-Soomaali ku qoran qaybta hoose looga xiro Ingiriisi sida General Secretery, Media director of the president, PM, MN, IWM, magacyada laftooda qaab Ingiriisi ah ayaa loo qorayaa mana la fahmi karo baahida keenaysa.

 Waxaad is waydiin kartaa sababta keenaysa qofku jagadiisa iyo magiciisa Ingiriisi ahaan u qoro dulucdii kale ka badneeydna uu Af Soomaali ku qoro, waxaan u qaatay micnaha qorshe ayaan jirin ku salaysan waxa la ogol yahay iyo waxa aan la ogoleeyn ama waxaan la dareensanayn mas’uuliyadda adag ee dowladda ka saaran ilaalinta dhaqanka iyo afka hooyo.

 Waxaa intaa dheer ahna kuwa ugu daran ee aan la yaabay, waxaa dib loo dayactiray oo la howlgeliyay qaar ka mid wasaaradihii iyo wakaaladihii dowladda waana runtii howl wanaagsan oo muujinaysa dowladnimo rasmi ah oo soo carfeeysa.

 Balse in magicii wasaaradda ama hay’adda lagu qoro Ingiriisi iyadoo hoos loo dhigayo qiyamkii luuqadda hooyo oo kaalinta 2-aad, 3-aad la gelinayo, meelaha qaarna aanba lagu xusin sida taargada gawaarida ee cusub waa su’aal hortaalla dowladda Soomaaliya oo xal deg deg ah u baahan.

Dalku wuxuu ku jiray 21 sanadood oo burbur dhah waxyaabaha in si deg deg ah lasoo nooleeyo u baahanna waxaa ka mid ah afka hooyo oo aad mooddo inaysan dadka qaarkood u kala cadeeyn muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Waxyaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ah dad ku leh eraygaas Soomaaliga ihi wuu nagu adag yahay ee fududee waa sax in wax la fududeeyo lkn waa khalad inuu qofka Soomaaligu ku dadaalo luuqado kale (xitaa Shiineeys iyo Finish waan baranay) hadana uu baylihiyo ama bahdilo tii uu u dhashay isagoo aan u quurin inuu inyarba Allaha ka dhigee uu isku dayo inuu barto dowladduna maaha inay iyana jidkaa jarribka badan qaaddo oo ay khalad istaraatiji ah ku sameeyso luuqadda qaniga ah ee Soomaaliyeed.

 Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Tifaftiraha; Gool FM.net

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=15998

Posted by on Jan 24 2013. Filed under Qormooyinka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current day month ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan