|

Adiga iyo dhiiga caadada(Faa”ideyso)

dhiigga caadadaDhiiga caadadu waa dhiig ay dumarku guud ahaan ka wada siman yihiin, qaarkood bishii laba jeer ayuu ka yimaadaa qaarna bishii hal mar halka qaar kalena uu labadii bilood ama ka badanba uu halmar ka yimaadaan, gabadh kastaa iyadaa taqaana kooda ay ku jirto iyo wakhtiyada uu ka yimaado oo maaha wax ay u baahan tahay inay cilmi khaasa u yeelato. Maadaama oo uu noqday shay nolosheeda ka mida oo caadi ah dadka oo dhan ragg iyo dumarba ay wada og yihiin, sidaa darteed ayuu ku helay magaca dhiiga caadada. Hadaba maqaalkeenu maanta kama hadlayo dhiiga caadada iyo wuxuu yahay, gabadhkasta oo hesha dhiigani waxay leedahay ama yeelataa caado iyada u khaasa ama ay la wadaagto dumarbadan caadadan oo ka dhalatay dhiigan caadada.
Dumarka qaar waxay yeeshaan qaabab lagu garto marka ay caadadu ku soo socoto halka qaarkoodna ay caadadii iska timaado iyadoon gabadhu dareeminba inay wakhtigeeda tahay, ila eeg caadooyinkan.
Gabadha basarida ku ah caadadeeda.
Gabadhani waa gabadh laga yaabaa inay tahay gabadh gurigeeda iyo reerkeedaba si fiican uga shaqaysa, dhiiga caadaduse uu agteeda ka yahay wax ayna siinin ihtimaam badan. Waa gabadha dadka gurigeeda la jooga ama yaqaanaa ay u sheegaan markuu maradeeda soo dhaafo ee ay dadkii wada arkaan markay istaagto, waa gabadh marka la soo ag fadhiisto laga dareemayo urta jidhkeeda kasoo baxaysa, waa gabadha gogosheeda uu ku arko ninkeedu aroortii marka ay ka toosto gogosha. Hadal oo dhan isku soo dar waa gabadha aan ihtimaam wayn siinin sidii ay isooga nadiifin lahayd dhiiga kadibna caado ay u noqotay in laga wiswiso wakhtigan.
Gabadh dareen iyo xasuus la’aani hayso
Gabadhani waa gabadha aan xasuusan wakhtigii uu ka yimid doorkii hore, waa gabadh iska socota oo aan war ka hayn goorma ayey qiyaastii heli doontaa tolow caadadii, waa gabadh aan ihtimaam siinin isbadalka uu keeno jidhkeedu marka ay ku soo socoto caadadu. Waa gabadha iska dhayalsata ee aan isu sii diyaarin wakhtiga uu imanayo dhiigu, waxaa ku dhaca gabadhan oo kale wax yaabo dumar badani ay ka xishoodaan taasoo ah in iyada oo suuqa ama meel aan haboonayn joogta uu ku dhaco, dhibtuna maxay tahay!!! Ma wadato qalabkeedii ay isticmaali lahayd boorso ma sidato hadii ay sidatana kuma jiraan suufkii iyo wixii ay ku qarin lahayd, caado waxaa u ah kaliya dhawrkaa cisho inay sidato hadhowna ay ka banayso boorsadeeda iyadoo ilowsan inay doorka danbe u baahan doonto. Caadadeedii ayey u nasab sheegataa markaa kadib oo waxay guda gashaa sidii ay u waydiin lahayd hablaha hareera jooga inay boorsada ku hayaan, ceebta ugu wayn ee ku dhacdaa waa markay waydo gabdho ay taqaano kadibna ay gurigii timaado iyadoo soo silicda iwm. Hadii aad tahay walaal gabadhan aan ka hadalnay walaal wax isku fal oo sidan isu dhaan, hadii aad leedahay muxuu boorsda iiga buuxin suufkani ka fikir inay jiraan hablo kula mida oo sidaadan oo kale ay qabsato.
Gabadh aan ka xishoon dhiiga caadada
Waa gabadh shay caadi ah uu ka yahay agteeda oo cidkasta iyo qofkastaba u sheegta marka uu ku dhaco dhiigu. Waa gabadha walaalkeed aan ka qarsan inay caadadii ku dhacday, waa gabadha u dirsata walaalkeed ama aabaheed inuu u soo iibiyo suufka ama tambooni  ay isticmaali lahayd, waa gabadha musqusha markay gasho aan soo asturin tamboonigii ay iska badashay ee la soo dhexmarta reerka oo dhan ama musqushiiba kaga timid kadibna walaalkeda yar uu dhaho waa maxay waxani. Hadal iyo dhamaantii waa gabadha aan u arag dhiigani inuu yahay shay iyada u khaasa oo aan lagala hadlin walaalahaa iyo wiilasha guud ahaanba ilaa ay dantu ku qasabto mooyaane.
Gabadha ninkeeda takoorta
Gabadhani waa gabadha mooda inay tahay wax aan banaanayn dhaqan ahaan (diinta maaha) inuu ninkeedu ka dalbado inuu la ciyaaro wakhtiga ay caadadu hayso, waa gabadha u aragta ninkeedu inuuna xishoonayn markuu ka dalbo wakhtiga caadada waxa uu Ilaahay swt u baneeyey labadoodaba.
Hadaba gabdha nidaamsata caadadeedu waa tee
Waa gabadha la socota wakhtiga ay caadadu u imanayso ee isa sii diyaarisa guriga markay joogto iyo markanay jooginba, waa gaabdha boorsadeeda aan laga waayin ee markastaba diyaarka u ah inay badbaadiso hablaha aan kor ku soo sheegnay. Waa gabadha qorta doorkasta wakhtiga uu yimaado iyo wakhtiga uu ka joogsado iyadoo isticmaalaysa buugaagteeda ama technology-ga jira wakhtiyadan sida Mobilada jira. Waa gabadha aadka ugu dadaasha inay is nadiifiso wakhtigan, waa gabadha aan sugin inay dareento qoyaan kaliya balse saacadiiba mar iska badasha tambooniga iwm. Guud ahaan waa gabadh ku feejigan arintan caadana ka dhigatay sidii ay isu nidaamin lahayd.
Dhaqanka cusub ee uu keenay qurbuhu
Gabdho badan oo ku nool qurbuhu waxay caado ka dhigteen inay banaanka wax ku cunaan wakhtiga Ramadaanta, waxaad arkaysaa gabadh wanaagsan oo akhlaaq lagu yaqaano laakiin dhayalsata inay banaanka ula soo baxdo xanjo iwm wakhtiyada Ramadaanta. Naa heblaayo maxaa ku qaaday waaba ramadaane hadaad ku dhahdana waxay ku jawaabtaa… waa iska caadi waxaasi oo waa lawada ogyahay inuu dumarka ku dhaco dhiigu… oo adoomada Ilaahay maxaad u danbaajin bishan, mise qofkastaa waa inuu ku su’aalo maxaad u cunaysaa wax si aad ugu jawaabto dhiigii ayaan qabaa maanta. Ceeb ma fiicna kuumana qalanto walaal ee iska jooji caadadan xun ee soo baxday waayahan.
Ugu danbeyntii maqaalkani shakhsi khaasa ama dad gaara midna uma socdo ee waa fikir guud ahaan aan ka arkay dumarbadan. Fikirkaaga adna kasoo dhiibo si aan u kala faa’iidaysano.
WQ: Anisa Sh
Ibrahimanisa@khadijahome.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16043

Posted by on Jan 25 2013. Filed under Caafimaadka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan