ibrahim
|

David Luiz oo laga cabsi qabo in uuu mudo isbuuc ah maqnaado.

david-luiz_1824392cDavid Luiz Oo Laga Cabsi Qabo inuu Muddo isbuucyo La Maqnaado.
David Luiz ayaa qeyb ka sii noqday mushkilada heysata Chelsea ka dib dhaawac soo gaaray oo uu ka cabsi qabo inuu muddo isbuucyo la maqnaado.
Luiz ayaa ciyaartii Liberty Stadium ciyaaray 22 daqiiqo, iyadoo Chelsea ay ku hartay semi-finalka Capital One Cup laakiin dhaawac muruqa ah ayaa soo gaaray ilbiriqsiyadii ciyaarta u danbeysay.
Kooxda Rafa Benitez ayaa durbaba la dhibtoon ganaaxa seddexda kulan ee uu ku maqnaan doono Eden Hazard ka dib markii uu laaday mid ka mid ah wiilasha kubadaha soo qabta, iyadoo John Obi Mikel iyo Victor Moses ay ku maqan yihiin koobka Qaramada Afrika.

Luiz ayaa qiimo weyn u lahaa khadka dhexe inta uu maqan yahay Mikel, laakiin dhaawacyo soo gaaray ayaa xadiday inuu helo waqti uu ku ciyaaro.
Waxa uu ka maqnaa kulankii Arsenal ee axadii waxaana uu waqti yar ciyaaray kulankii ay Chelsea ku guuldareysatay inay hesho natiijo ka fiican guuldaradii 2-0 ee lugtii hore ay ku soo badisay Swansea.
Dhaawaciisa ayaa waxa uu wadada u furi karaa kabtan John Terry kaasoo la filayo inuu ciyaaro wareega 4aad ee FA Cup ee ay axada la ciyaarayaan Brentford.
Terry ayaa ku soo bilowday kaliya hal kulan 25kii kulan ee u danbeysay isagoo dhaawac iyo ganaax intaba ku maqnaa. Waxa uu kursiga keydka ku soo bilowday afartii kulan ee ugu danbeysay, laakiin weli ma uusan ku soo bilaaban kulana intii Benitez uu macalin yahay.

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16087

Posted by on Jan 25 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented