|

Manchester United oo lasoo wareegtay Ciyaaryahan Wilfried Zaha (By liida)

Zaha2_1661138akooxda Man Utd ayaa si toos ah ula soo wareegtay ciyaaryahanka u cayaara kooxda Crystal Palace asagoona kusoo biiri doono kooxda Manchester united marka uu dhamaado xili ciyaaredkan.

Zaha2_1661138a

Zaha ayaa ah ciyaaryahan jira 20 sano lehna karti aad u wanaagsan asagoona haatan uu ka mid yahay ciyaaryahanada kooxda Manchester united.

United ayaa ku iibsatay ciyaaryahankan lacago gaaraya 15 milyan asagoona haatan uu Dhamestay baarista xaga caafimaadka .

Zaha ayaa yiri”waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka mid noqdo ciyaaryahanada kooxda Manchester United”

“Waxaan si wanaagsan oo sharaf ku jirta ugu mahad celinayaa maamulka iyo milkilayaasha Kooxda Crsytal Palace oo aan weligee ilaabi doonin”

Zaha ayaa kamid ahaa ciyaaryahanada doonayay in kooxda Palace ay kusoo celiyaan tartanka Heerka koowaad ee Premier League.

Waxaa asna  amaanay qaab cayaaredka ciyaaryahankan macalin Sir Alex Ferguson oo Sheegay in uu marwaliba uu jecel yahay in ay soo iibsadaan ciyaaryahano da yar hadana leh Karti ay ku ciyaaraan.

Zaha ayaa u ciyaaray kooxda Palace 123 kulan waxuuna u dhaliyay 15 gool waxuuna ka qeyb Qaatay kor u qaadida kooxd, inkastoo haatan uu lasii joogi doono inta ka harsan xili Ciyaaredkan.

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16096

Posted by on Jan 25 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current month ye@r day *

Recently Commented

  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan