Wiilasha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo haray.
Xulka qaranka kubbadda Koleyga ee wiilasha Soomaaliya ee ka qeybgalayay tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa laga badiyay ciyaar semi-final ahayd oo ay caawa la yeesheen xulka Rwanda.
Rwanda ayaa Soomaaliya uga badisay saddex dhibcood, iyadoo heshay 86-dhibcood, halka Soomaaliya ay heshay 83-dhibcood.
Ciyaarta labada xul ayaa tii soo badisa waxay ugu gudbeysay ciyaarta kama dambeysta ah.
Guul-darrada Soomaaliya ayaa ka dhigan in ay ka hartay ciyaaraha, Rwanda waxay u gudubtay finalka.
Xulka Soomaaliya ayaa soo badiyay labo kulan oo uu horay ula soo yeeshay xulalka Burundi iyo Kenya.
Xigasho :BK
Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16116