ibrahim
|

Nicolas Anelka oo ku biiray kooxda Juventus(By Liida)

Nicolas Anelka oo la xaqiijiyay in uu ku biiray kooxda Juventus wada hadal dheer kadib maanta ayaa la shaaciyay in Anelka in uu si toos ah ugu biiro Kooxda Juventus.

249534hp2

Ciyaaryahan Anelka ayaa haatan u ciyaarayay kooxda Shanghai Shenhua ee ka dhisan wadanka China, inkastoo Juventus ee horay u dooneysay Ciyaaryahan Drogba waxaana soo kala dhex galay is afgaran waa labada kooxood ee Shanghai iyo Juventus.

Anelka ayaa lala xiriirinayay kooxo kala duwan oo ka dhisan yurub kooxaha donayay ayaa ka mid ah QPR iyo PSG.

Ciyaaryahan Anelka ayaa la aminsan yahay in uu wax badan ka badali doono weerarka kooxda Juventus, heshiiskan ayaa ah mid gaaray 6 bilood Iyo lacag gaareysa 600,000.

Juventus ayaa la sheegay in ay dooneyso lasoo wareegida ciyaaryahan Liorente tanina waxee ka dhigeysaa in Juventus dar dar xogan ugu jirto Sidii ay u xoojin laheyd dhanka weerarka.

Hadaba Anelka ayaa ah ciyaaryahan weyn oo soo maray kooxo badan oo ka dhisan Ingiriis ka badankood halka uu kasoo coyaaray horyaalka France.

Fetah Ali (Liida)

Fitaax1me@hotmail.com

Short URL: http://www.qubanaha.com/?p=16121

Posted by on Jan 26 2013. Filed under Cayaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Current ye@r *

Recently Commented

  • shaafi hassan: real madrid- bayern munnich labada ayan jecla inay isku hagaagan de
  • adnan omar: chelsea vs galatasaray chel guuul wcn weliba guusha sare ee cup.kan